Siciid Deni oo meel uga ekaaday hoggaankii Xisbiga UKIP ee Nigel Farage

0

(Hadalsame) 21 Maarso 2022 – Nigel Farage, waxa uu ahaa hogaamiyaha Xisbiga UKIP ee ka jira UK, waxa uu si wayn ugu ololeyn jiray in UK, laga saaro ururka Midowga Yurub, waxaana uu dadka u sheegi jiray in ay la soo laabtaan awooddooda, oo ay dalka ku hoggaamin doonaan barwaaqo iyo guul.

Xilligaas waxaa jirtay cabsi weyn oo laga qabay haddii Yurub laga baxo in dhaqaalaha dalku uu dhulka galo, balse xisaabo been ah ayuu iskugu dhuftay.

Habeenkii lagu dhawaaqay in Yurub laga saaray UK, ayuu shir Jaraa’id qabtay waxaana uu sheegay in uu gaarey hadafkiisii ahaa in UK laga saaro Yurub uu gaaray, waana uu is casilay.

Dadkii taageerayay ayay la yaab ku noqotay in dalkii uu Yurub ka saaray uu kaddibna ka cararay isagoo aan wax qorshe ah oo hoggaamineed iyo talo ku yaboonin.

Hadalkaasi waxa isoo xusuusiyay Madaxwaynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Dani, oo yiri ”hadafkeyga ugu wayni waa in Farmaajo meesha laga saaro.”

W; D: Max’ed Cabdi Salaad

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media