Somalia & Rwanda oo markii 2-aad kulmay & heshiis ay kala saxiixdeen + Sawirro

0

(Addis Ababa) 06 Feb 2022 – Waxaa magaalada Adddis Ababa ka soconaya shirka caadiga ah ee kal-fadhiga 35-aad ee Golaha Guud ee Midowga Afrika oo ay u dhan yihiin xubnaha ururku.

Yeelkeede, waxaa shir-doceed yeeshay wasiir dibadeedyada dalalka Somalia & Rwanda, Cabdisaciid Muuse Cali iyo dhiggiisa Vincent Biruta.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay kala saxiixdeen heshiis is faham ah oo ku saabsan sidii ay u yeelan lahaayeen wadatashiyo siyaasadeed oo dheeraad ah.

MW Somalia & Rwanda oo shir-doceed yeeshay xilligii ay ka qaybgelayeen shirkii Turkiga iyo Afrika ee 16-18 Diseembar Istanbul ka dhacay ayaa isla soo qaaday inay iska kaashadaan dhinacyada ammaanka, ganacsiga, maalgelinta, siyaasadda iwm, iyagoo ku heshiiyey inay iska kaashadaan wixii ka tarjumaya danaha labada dal.

Hadalsame Media