XOG: RW Rooble oo ku hungoobey qorshe uu ula tegey MW Guudlaawe

0

(Hadalsame) 06 Feb 2022 – Wefdi wasiiro ah oo uu RW Rooble u xilsaaray in ay warbixin ka keenaan ciidankii dhowaan la geeyay Magaalada Beledwayn, ayaa lagu wadaa in ay maanta ku soo laabtaan Muqdisho.

Wasiirradan oo xalay seexday magaalada Jowhar, ayaa ka koobnaa 3 wasiir oo kala ah: Wasiirka Arimaha Gudaha Jen Mukhtaar, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Wasiirka Ganacsiga Khaliif Cumar.

Ilo ku dhow wefdiga ayaa sheegaya ay doonayeen inay arrimo badan ka raaridaan MW Guudlwaale, MW Hirshabeelle, kuwaasoo u badnaa booqashadiisa Beledwayne ee maanta la filayo.

Yeelkeede, Madaxweyne Guudlaawe ayaa la sheegayaa inuu diidey talooyinkii ay wadeen wasiirrada xukuumadda ka tirsan.

Xukuumadda Rooble iyo Madaxweyne Guudlaawe ayay tani ka dhigan tahay inayn ku kala aragtu duwan yihiin sida loola xaalayo arrinta Beledwayne, sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay.

Hadalsame Media