Rayaan Yare oo la xaqiijiyey in uu geeriyoodey & Boqorka dalka oo waalidka la hadlay

0

(Hadalsame) 05 Feb 2022 – Qasriga Boqortooyada Morocco ayaa goor dhowayd sheegay in wiilkii yaraa ee 5 jirka ahaa ee ku go’doonsanaa ceelka dheer muddo afar maalmood ah uu dhintay.

Boqorka Marooko Mohammed VI ayaa tacsi u diray waalidka wiilka, kaddib bayaan kasoo baxay qasriga.

Wiilkan oo lagu magacaabo Rayaan, ayaa habeenimadii caawa ay samatabbixiyeyaashu ka soo saareen ceelka kaddib hawlgal dheer oo soo jiitay indhaha caalamka.

Weriye ka tirsan Associated Press oo goobta ku sugnaa ayaa arkay wiilka oo ku duuban buste jaale ah kaddib markii uu ka soo baxay ceelka oo loo qoday si gaar ah.

Waalidkiis waxa loo galbiyey ambalaas meesha joogtey kahor inta aanu wiilku soo bixin si niyaddooda loo ilaaliyo.

Farriimo Online ah oo isugu jira taageero iyo walaac ayaa dunida ka imaanayay intii uu gurmadku soconayey.

Hadalsame Media