DEG DEG: Rayaan Yare oo laga soo saaray ceelka guntiisa & xaaladdiisii ugu dambaysey + Video

0

(Rabaad) 04 Feb 2022 – Rayaan Yare oo 5-jir ah ayaa laga soo saaray ceelkii uu guntiisa ku jirey muddo 4 maalmood ah.

Ha yeeshee, weli lama oga sida ay tahay xaaladdiisa caafimaad waloow la sheegayo inuu weli nool yahay.

Samata bixiyayaasha ayaa habeen iyo maalin shaqaynayey si ay wiilka yar uga soo saaraan ceelka guntiisa oo uu ku dhacay Talaadadii.

Waalidkiis oo goobta joogey ayaa degganaan muujinayey markii wiilka lasoo saaray oo lagu sii wareejiyey dhoolli sugaysey si ay ugu gayso dayuurad qumaati u kacda oo loo diyaariyey.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media