Maraykanka oo ciidankii ugu badnaa kusoo daabulaya Yurubta Bari & muuqaal laga duubay agab ay dejinayaan (Daawo)

0

(Hadalsame) 06 Jan 2022 – Askar ka tirsan Qaybta 18-aad ee Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Wiesbaden, iyaga soo degsanaya gaadiid iyo agab kale oo sideen diyaaradaha xamuulka qaada.

Askartan ayaa ah kuwii ugu horreeyay 2,000 oo askari oo Maraykan ah oo loo diray dalalka ku jira Gaashaanbuurta NATO ee ku yaalla bariga Yurub, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Moscow ee ku saabsan Ukraine.

Sida laga soo xigtay Taliska Maraykanka ee Yurub, askarta ayaa xarun ka sameysan doona Jarmalka, halka 1,700 askari oo ka tirsan ciidamada Qaybta 82-aad ee Cirku ay ku wajahan yihiin Poland, oo xuduud la leh Ukraine.

Guud ahaan, 2,000 oo askari oo ka socda Qalcadda Fort Bragg ee Gobolaka North Carolina ayaa usoo jihaysan doona dhanka Yurub maalmaha soo socda.

Muuqaal laga soo duubay ayaa muujinayay ciidamada oo ka soo degaya diyaaradahooda fiidnimadii Jimcihii, isla markaana soo dejinayay baakado waawayn iyo gaadiid dagaal sida macafyada ciidanka.

Howlgalka ayaa loogu talagalay in looga “hortago oo lagu difaaco gardaro kasta” oo ka timaadda millateriga Ruushka, ayuu yiri Aqalka Cad, kaas oo ku adkeysanaya in Ruushka uu qorsheynayo weerar ka dhan ah Ukraine.

Hadalsame Media