ILO SIRDOON: Ruushka oo diyaariyey ciidankii uu ku weerari kari lahaa Ukraine (Imisa ayay ku qabsan karaan caasimada Kiev?)

0

(Hadalsame) 06 Jan 2022 – Ruushka ayaa sare u qaaday u diyaar garowga duulaan dhan walba ah oo uu ku qaadayo Ukraine balse ma cadda in Moscow ay go’aansatay in ay ficliyan u qaado tilaabadaas, saraakiisha Maraykanka ayaa sidaa sheegay in ay taa kasoo xigteen qiimayn dhanka sirdoonka ah.

Ruushka ayaa dumay ciidan gaaraya 110,000 oo askari oo haatan hoganaya xadka bari ee Ukraine, balse Sirdoonka Maraykanku weli ma helin xog kama dambays ah oo u caddaynaysa in MW Vladimir Putin uu runtii guddoonsadey inuu ku duulo deriskiisa dhanka galbeed.

Saraakiisha ayaa intaa raaciyey in ciidamada Ruushka ee la soo dumay ee ku sugan xuduuddu ay tiro usii kordhayaan heerka xoogga uu Putin ku fikiri karo in uu u ku fulin karo duullaan ballaaran – kaasoo ah ilaa 150,000 oo askari – bartamaha bishan Febraayo.

Waxay yiraahdeen Putin wuxuu rabaa dhammaan fursadaha suurtagalka ah ee uu awoodda u leeyahay: laga bilaabo olole xaddidan oo ka socda gobolka Donbas ee taageersan Ruushka ee Ukraine ilaa duullaan furan oo ballaaran.

Ruushku waa dafiray jiritaanka warkan.

QIIMAYN – Haddii ay Moscow runtii weerar buuxa ku qaaddo Ukraine, ciidamada duullaanka ihi waxay caasimadda Kyiv ku qabsan karaan oo ku tuuri karaan MW Volodymyr Zelensky muddo 48 saacadood gudohood ah, sida ay ilaha sirdoonku sheegayaan.

Waxay ku qiyaaseen in weerarkan ay ku dhiman karaan 25,000 ilaa 50,000 oo rayid ah, oo ay wehliyaan 5,000 ilaa 25,000 oo askarta Ukraine ah iyo 3,000 ilaa 10,000 oo Ruush ah.

Waxa kale oo ay dhalin kartaa daadad qaxooti ah oo gaaraya hal ilaa shan milyan oo qof, oo ku fataha gaar ahaan Poland, ayay saraakiishu intaa ku dareen.

Hadalsame Media