DEG DEG: MW Hirshabeelle oo goor dhowayd ka degey magaalada Beledwayn & hoobiye garoonka kusoo dhacay

0

(Beledwayn) 05 Feb 2022 – Madaxwaynaha Hirshabelle, Cali Guudlaawe, ayaa maanta sanad kadib ka degey Magaaladda Beledwayn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaa garoonka Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyey madax ay ku jiraan Madaxwayne Xigeenka, Gudoomiyaha Gobolka iyo saraakiil ciidan ayaa kusoo dhaweeyey garoonka.

Ammaanka magaaladda ayaa aad loo adkeeyey, sidoo kalena waxaa jirto in madaafiic lagu soo tuuray qayb kamid ah garoonka.

Yeelkeede, taasi ma baajinin booqashada MW Hirshabeelle oo halkaa u tegey qorshe ay xiisad siyaasadeed ku laran tahay.

Hadalsame Media