”Kagame wuxuu doonayaa inuu wiiqo doorka Ciidanka AMISOM balse Farmaajo taageero ma haysto!” – Chimpreports

0

(Hadalsame) 10 Jan 2022 – Warqaadka Chimpreports ee kasoo baxa dalkaasi Uganda ayaa maqaal dheer oo uu ka qoray kulan Istanbul beri dhowayd ku dhexmaray MW Somalia & dhiggiisa Rwanda waxay ku jeexjeexeen inuu Paul Kagame wiiqayo doorka Uganda ee Somalia.

Waxay sheegeen in labada nin oo shir-doceed yeeshay xilligii ay ka qaybgelayeen shirkii Turkiga iyo Afrika ee 16-18 Diseembar Istanbul ka dhacay ay isla soo qaadeen inay iska kaashadaan ammaanka, ganacsiga, maalgelinta, siyaasadda iwm, iyagoo ku heshiiyey inay iska kaashadaan wixii ka tarjumaya danaha labada dal.

”Kulankan ayaa imanaya xilli uu Farmaajo ku jiro hardan awoodeed isla markaana uu xitaa muddo kororsi isku dayey, balse ay taasi keentay dagaallo ka dhacay jidadka Muqdisho,” ayaa lagu qoray maqaalka.

”Uganda ayaa door wayn uga jirta dimoqraadiyaynta Somalia, balse Kagame oo cadow wayn u ah Uganda ayaa cabsi laga qabaa inuu wiiqo arrintaasi.” ayay sii raaciyeen qoraalka Chimpreports.

Waxay intaa ku dareen in Farmaajo uusan haatan taageero badan ku lahayn Soomaalida dhexdeeda iyo beesha caalamka iyagoo soo daliishadey wixii dhacay kaddib markii uu isku dayey inuu bedelo RW Rooble, balse waxay sheegeen inuu isku dayey samaysashada ciidan isaga ka amar qaata oo ay ku tilmaameen kuwa Gor Gor.

Halkan kasii akhri…

Hadalsame Media