Qof lagu dhex arkay guriga RW Sweden & Nabad Sugidda Sweden oo lagu haysto oo hadashay (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 10 Jan 2022 – Kaddib markii uu dhacay shil ku saabsan haweenay aan wax rukhsad ah haysanin oo lagu arkay hooyga RW Magdalena Andersson, waxaa dhaliil wayn wayn loo jeediyey hab-raaca Nabad Sugidda Sweden ee SÄPO, oo ah kuwa mas’uulka ka ah ilaalinta Raysal Wasaaraha.

Madaxa Säpo Charlotte von Essen ayaa diiddey inay dadwaynaha la wadaagto hab-raacooda ammaan amaba xitaa haddii ay ku tala jiraan inay wax ka bedelaan.

“Tillaabooyinka ammaan ee aannu qaadayno iyo arrimaha aannu eegi doono suurtagal ma aha inaan halkan ku faahfaahiyo.” Ayay tiri.

Hadalsame Media