Waa imisa tirada Maraykanka uga dhimatay dalka Afghanistan, maxayse ku dhinteen?!!

0

(Hadalsame) 01 Sebt 2021 – Askarta dagaalkaa ku dhimatay Maraykanka waa 2244 (u gu yaraan 30 askari baa ka dambeeyay tiradan), Ingiriiskana waa 454. Taasi wax ay keenaysaa su’aal ay adkaanayso in loo ga jawaabo dadka Maraykanka iyo Ingiriiska: Maxay askartaasi naftooda ku waayeen, maxay se ahayd ujeeddada askartaa loo gu daabbulay dagaalka dhul fog iyo buuro aanay aqoon?

Halkan ka akhri qaybtii 2-aad…

Waa hubaal Joe Biden in uu ku jiro dabina halis ah, durbana waxaa ku bilowday fallaadho eedayn iyo dhaliil ah, weerarka koowaadna wax uu ka ga yimid Trump oo ku eedeeyay in uu Maraykanka dhigay goob ceebeed. Dadka Maraykankana waxaa ku soo kordhaya dareen xanuun iyo murugo leh oo ah: Intaas oo wiil naftoodii ma wax ay ku waayeen in ay galaan jariimad Maraykanka ceeb ku ah, dabadeed Maraykanku soo noqdo isaga oo jabay oo dullaysan?

Burburka reer Galbeedka

Sida ay la tahay David Hirst kaalintii Maraykanku xaalad aad u xun bay ku sugan tahay, si wal oo dawladdu u dafirto, haddaba eedda yaa leh? Dadka reer Afganistaan yaa u qiran doona oo u ga cudurdaaran doona masiibada loo geystay? In awoodda ciidanka cirka ee Maraykan iyo Ingiriis aanay haweenka reer Afganistaan xuquuq siin, ee ay noqdeen awood dhimasho oo loo adeegsaday halaagista dadka reer Afganistaan?

In aan Daalibaan marnaba la dagaallamin duuliyayaasha diyaaradaha dagaalka Maraykanka kuwaas oo ay imika hortaallo wayddiin akhlaaqeed oo ah maxaad shacabka ku layseen? Dacaayaddii reer Galbeed ee ahayd in ciidamada Maraykanka iyo Ingiriisku ay hawl fiican ka wadaan Afganistaan wax ay ahayd beenabuur iyo majarahabaabin runta ka fog, sidii dawladdii uu Maraykanku dalkaa duscha ka ga keenay aanay wax sharciyada ah u lahayn, taas oo ka muuqata sidii Ashraf Qani u awoodi waayay in uu Daalibaan caabbiyo ee uu fakaday.

Yaa abuuray masiibada?

Jariimaddan waxaa ka qaybqaatay afar madaxweyne oo Maraykan ah, sidaa darteed jabka la ga la kulmay Afganistaan saamayntiisu waa ay ka tallowsan tahay soohdinta Maraykanka. Haddii se jabkii imbaradooriyadii Soofiyadka ee Afganistaan ay ahayd dhammaadkeedii, jabka Maraykanka iyo gaashaanbuurtiisu waa bilawgii dhammaadka imbaradooriyada reer Galbeed iyo nadaamkii caalamiga ahaa ee Maraykanka iyo askarinnimadiisii.

Nadaamkanina u ma burburin in uu cadaw debedeed wajahay, wax uu se ku burburay islaweyni iyo, sida uu qabo David Hirst, in uu awoodi waayay fahanka dadyowga dhulkoodii la gumaystay. Nadaamka caalamiga ahi wax uu dumaa daqiiqadda la waayo quwad caabbiyi karta iyo daqiiqadda ay u suuragasho in ay keligeed yeelato awoodda sandullaynta dunida.

La soco qaybta 3-aad….

Waxaa Qoray: Suleymaan Saalax

Waxaa Tarjumey: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media