JARRIIMAD & CEEB: Muxuu yahay mustaqbalka siyaasadda Maraykanka ee Bariga Dhexe kaddib jabkii Afghanistan? (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 31 Agoosto 2021 – David Hirst akhristayaashiisa wax uu ka ga yaabsaday in lacagta ku baxday dagaalka Afganistaan ay gaadhay laba boqol oo milyaar oo Dollar (laba tirilyan), haddii xisaabtaasi run tahayna, waana hubaal oo waa rune, macnaheedu waa in dawladda Maraykanku dadkeeda majarahabaabisay oo u soo gudbisay xisaab aan dhab ahayn, oo kharashka baxay xaddigiisa ogaan loo yareeyay, iyada oo xogta rasmiga ah ee dadka loo sheegay ahayd hal tirilyan keliya. Akhri qaybtii 1-aad…

Lacagta xaddigaa lihi haddii si caqliyaysan loo galin lahaa horumarinta iyo wanaajinta xaaladaha nolokeed ee dadka reer Afganistaan maxay suuragalin lahayd? Sow ma xaqiijiseen awoodda debecsan ee Maraykanka iyo dhisidda xidhiidh nabadeed iyo iskaashi waara oo la la yeesho dadka reer Afganistaan?

Bal ka warran hantida baaxaddaa leh haddii la gu xoojin lahaa dhaqaalaha Maraykanka, shaqo abuur, hagaajinta nadaamka caafimaadka ee awoodi waayay in uu waajaho cudurka Corona, cudurkaas oo qaawiyay taagdarrada Maraykanka iyo beentii horumarka iyo xoogga?

Dadka Maraykanku wayddiimahaas buu si adag u dul dhigi doonaa naftiisa iyo maamulka Biden ee ku guuldarraystay in uu soo gudbiyo jawaabo ay ku qancaan dadkiisa ogaaday in dawladdooda is ka caabbin kari wayday cudur Corona oo kale ah waxa dhici kara haddii cudur ka sii xumi faafo?

Dadyawga reer Galbeed ee dagaalkaa ka qaybgalay, sida Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska iyaguna is la wayddiimahaas bay u jeedinayaan dawladahooda, xukuumadahaas oo ku qasbanaan doona in ay qirtaan Dagaalkii Afganistaan in uu ahaa jarriimad, sida uu ku qeexay Noam Chomsky.

Laakiin dadyawga reer Galbeed ku ma qanci doonaan qoomamo ay xukuumadahoodu ka muujiyaan go’aan qaadasho ku salaysnayd cunsuriyad iyo bahalnimo aarsi ah, oo dabargoyn iyo dumin ah.

Waa jarriimad iyo ceeb

Dagaalkii Maraykanku ku qaaday Afganistaan khasaarihiisu ku ma koobna lacagtii la gu baabbi’iyay ee la gu loofaray, laakiin lacagtaa waxaa la gu geystay dembiyo gumaad ah, oo sida uu qiyaasay David Hirst 241,000 oo nafood oo reer Afganistaan ah (waxaa jirta qiyaas tiradaa labalaabaysa).

Sidaa darteed guushii degdegga ahayd ee Daalibaan iyo baabbi’ii ciidanka Afganistaan la gu ma macnayn karo wax aan ahayn in aqlabiyadda weyn ee dadka reer Afganistaan ay Maraykanka u arkayeen quwad gumaysi oo xun, halka dadku Daalibaan u arkayeen urur gobannimo doon waddani ah oo u socda in uu dalka iyo dadka ka xoreeyo gumaysiga Maraykanka.

Sababtaas bayna dagaalyahanka Daalibaan u heleen taageerada dadka, iyada oo aan tiradoodu ka badnayn 75 kun. Taa macnaheedu wax uu yahay, Daalibaan waa uun hormuudka dadka reer Afganistaan oo aan illaawin dadkii la ga gumaaday, is la marka shacbigu neceb yahay ee xaqiro dadkiisa Maraykanka la shaqaystay, dadkaas oo wada fakanaya maanta waayo wax ay og yihiin quudhsiga ay dadkooda ka la kulmayaan, wax ayna og yihiin in ayna ku dhex noolaan karin dadkoodii ay daadinta dhiiggiisa ka qaybgaleen.

Muxuu ciidanku naftiisa ku waayay?

Askarta dagaalkaa ku dhimatay Maraykanka waa 2244 (u gu yaraan 30 askari baa ka dambeeyay tiradan), Ingiriiskana waa 454. Taasi wax ay keenaysaa su’aal ay adkaanayso in loo ga jawaabo dadka Maraykanka iyo Ingiriiska: Maxay askartaasi naftooda ku waayeen, maxay se ahayd ujeeddada askartaa loo gu daabbulay dagaalka dhul fog iyo buuro aanay aqoon?

La soco qaybta 2-aad….

Waxaa Qoray: Suleymaan Saalax

Waxaa Tarjumey: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media