Maraykanka oo hub & gaadiid hor leh uga guurey xeryihii uu deganaa (Arag sawirrada qaar ka mid ah dayuurado kala nooc ah)

0

(Kabul) 01 Sebt 2021 – Kooxda Daalibaan ee la wareegay dalka Afghanistan ayaa la wareegey hub ciidan oo noocyo badan iskugu jira oo ay xitaa dayuurado casri ihi ka mid yihiin.

Daalibaan ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 200,000 oo qori gacmeed, 20,000 Humvee, waxaa ka daran ilaa 208 dayuuradood oo ah noocyo kala duwan oo ay ku jiraan 4 ah nooca AC-130 oo la siiyey Ciidanka Xoogga dalkaasi.

Yeelkeede, waxaa sidoo kale jira hub fara badan oo ay Maraykanku uga tageen saldhigyada ciidan ee ay deganaayeen iyo hangarrada Garoonka Kabul, kuwaasoo ay ku jiraan dayuurado kala nooc a sida kuwa dagaalka iyo tababarka loo adeegsado ee Embraer EMB 314 Super Tucano, AC-130 hallaysan iyo dayuuradaha la isku yiraahdo MH Helicopters oo ay ku jiraan kuwa culus ee Sikorsky, Black Hawk iyo MH-6.

Waxaa kale oo uu Maraykanku ka guurey gawaari fara badan, tuutaha ciidanka, rasaas iyo xitaa jaakadaha rasaasta celiya. Warbaahinta Galbeedka ayaa bilowday su’aal ku saabsan sababta ay agabkaa u burburin waayeen.

Daalibaan ayaa durba bilaabay inay yeeshaan ciidan cir iyadoo la arkayey iyagoo duulaninaya ama ku barbaranaya dayuuradihii ay ka qabsadeen Ciidanka Afghanistan.

MH-53 of the 20th Special Operations Squadron Hurlburt Field Fl., flies over the local area.

Hadalsame Media