XOG: AMISOM oo ka shaqaynaysa inay Somalia sii joogto ilaa 2027-ka (3 hindise oo ay diideen)

0

(Muqdisho) 31 Agoosto 2021 – Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa doonaya in marka ay dhamaato sharciyadda AMISOM ee haatan lagu kordhiyo 5 sanadood oo kale, si ay Somalia u joogaan ilaa 2027-ka.

Sida uu The EastAfrican kasoo xigtey ilo umuurtan war u haya, AU, DF Somalia iyo dalalka ugu muhiimsan kuwa bixiya qaaraanka AMISOM ayaa isku raacay ajende ku saabsan “dib u qaabaynta” ciidamada amaanka sugaya ee AMISOM.

Wararku waxay intaa raacinayaan in khubarada amaanka AU ay haatan wadaan qiimaynta waxyaabo ay ka mid yihiin lafa-gurka halista, waxyaabaha uu howlgalku u baahan yahay rayid iyo ciidanba, xoojinta iyo maalgelinta baahiyaha ciidankan.

Dib u eegista qaab dhismeedka shaqo ee AMISOM ayaa ka koobnayd ilaa 4 hindise oo ay keentay QM waxaana ku jirtey in la sameeyo ciidan isku barxan oo ka kooban QM iyo Afrika, balse waxaa diidey AU-da, sida xogta lagu helayo.

Waxaa ay AU hindisahaa ku cilladeeyeen inuu sii fogaynayo silsiladda maalgelineed iyo midda taageero ee la siiyo howlgalka, taasoo ka dhigan in mar kasta ay wax ka eegayaan dhanka danahooda.

Hindisayaasha kale waxaa ka mid ahayd mid dhigayey in Ciidamo ka socda Bariga Afrika oo qura oo la yiraahdo Eastern African Standby Forces la keeno Somalia, halka uu midka kale ahaa inay AMISOM ka baxdo Somalia.

Waxaa la fahamsan yahay in aanu howlgalkani miradhali doonin haddii uu sidan kusii socdo maadaama aysan jirin siyaasad laxa-jeclo iyo waxgaradnimo ka muuqato oo ay siyaasiyiinta Soomaalidu wadaan marka laga reebo ruwaayado shacabka loo dhigayo, taasoo keentay dalalka yimid oo markii ay arkeen in la wada danaysanayo iyaguna dhankooda ka darsaday.

Hadalsame Media