Film Somalia ku saabsan oo wacdaro ka dhigaya Box-office-ka Koonfurta Kuuriya (Daawo boorsamiindada)

0

(Seoul) 01 Sebt 2021 – Filimka cusub ee ”Ka Baxsigii Muqdisho” ama Escape From Mogadishu oo aannu horay wax uga qornay kuna saabsanaa sidii ay isu bahaysteen diblomaasiyiintii labada Kuuriya ee Muqdisho joogey markii uu dagaalku ka qarxey 1991-kii ayaa suuq fiican yeeshay.

fFilm-kan ”Ka Baxsigii Muqdisho” oo uu sameeyey Ryoo Seung-wan ayaa shacbiyad wayn ku yeeshay Box Office-ka maxalliga ah ee Koonfurta Kuuriya oo uu kasoo jeedo ninka sameeyey, isagoo haatan noqday kan loogu daawasho badan yahay.

”Escape From Mogadishu” ayaa ka sheekeeynaya sidii hal-haleelka ahayd ee ay Danjirayaashii iyo diblomaasiyiintii labada Kuuriya ee woqooyi iyo koonfur uga bexeen Muqdisho oo ay soo galeen qaar ka mid ah jabhadihii qabaliga ahaa ee dumiyey dowladdii kali taliska ahayd ee Siyaad Barre 1991-kii.

Filimkan ayaa ka tarjumaya dhacdo dhab ah ayaa ku saabsan sidii diblomaasiyiintii labada Kuuriya ee tan Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed oo ah laba dal oo isku dad ah balse aan isku dowlad ahayni ay isu kaashadeen.

Labada umadood ayay dantu badday in ay u midoobaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen inay wada jir uga baxsadaan oo looga daadgureeyo magaalada Muqdisho oo xilligaa foodda lasii geleeysey rabshado iyo qaaquullooyin dagaal kaddib sanado badan oo kali talis iyo nidaam xumo ah.

Waxaana doorka 1-aad ee jilliinka film-kan qaadanaya atoorayaasha Kuuriyada Koonfureed ee kala ah Yoon-seok iyo Heo Joon-ho oo dalkooda aad looga jecel yahay. 

Sharikadda maaweelada ee Lotte Entertainment, ayaa war ay soo saartay ku bayaanisey in la iibiyey ilaa 3 milyan oo tikit tan iyo 29-kii Agoosto ee bishii shalay dhamaatay, sida uu qorayo Korea Times.

Film-ka ”Escape From Mogadishu” ayaa xitaa dhanka Box-office-ka habaaska kaga tegey filim-ka Black Widow, oo awal suuqa isagu haystey dhanka Kuuriyada Koonfureed, wuxuu kale oo dhaafay film-ka kale Deliver Us From Evil ee la sameeyey Agoosto sanadkii tegey.

Film-kan ayaa ka faa’iidaysanaya masraxyada iyo tiyaatarrada Koonfurta Kuuriya oo dib loo furay kaddib markii uu halakeeyey cudurka safmarka ah ee Coronavirus, iyado ”Escape From Mogadishu” markii Premier-ka la sameeyey 28-kii Luulyo ee sanadkan.

Hadalsame Media