”Waa bahdilkii idinku qabsaday dalal ay Somalia ku jirto!” – Iiraan oo si jees jees ah uga hadashay bixitaanka Maraykanka ee Afghanistan

0

(Tehraan) 01 Sebt 2021 – Wasiirkii hore ee arrimaha Dibedda Iiraan, Mohammad Javad Zarif, ayaa weerar jees jees ah ku qaaday Maraykanka oo uu sheegay inuu si bahdil ah uga huleelay dalka Iiraan.

”Bahdilka Maraykanka ee Afghanistan waa xeere wax markan uun dhacay ma aha,” ayuu yiri Mohammad Javad Zarif oo warkan kusoo qoray boggiisa Twitter-ka.

Mohammad Javad Zarif, ayaa deeto soo taxay magacyada dhowr dal oo uu Maraykanku ku sameeyey faragelin ciidan nus qarnigii ugu dambeeyey, kuwaasoo ay ku jirto Somalia.

”Vietnam, Afghanistan (USSR) Iran & Kuwait (Iraq), Somalia, Balkans (Yoguslavia), Lebanon, Iraq, Libya, Syria iyo Yemen … Adeegsiga xooggu kaliya sharci darro ma ahane waa is MIIDAAMIN. Waxaa la gaarey xilligii la iska dayn lahaa khaladka ah ”dookh kasta ayaa miiska noo saaran.” ayuu raaciyey.

Maraykanka ayaa Somalia ku sameeyey faragelin la magac baxday ”Holgalkii Rajo soo Celinta”, kaasoo fashil ku dhamaaday kaddib markii uu dagaal la galay hoggaamiye kooxeedkii Maxamed Faarax Caydiid.

Hadalsame Media