12-ka bisha soo socota waxaa soo baxaya filim caalami ah oo kashifaya arrin aan horay loo ogayn oo Muqdisho ka dhacday 1991-kii (Boorsamiindo)

0

(Muqdisho) 23 Luulyo 2021 – Waxaa 12-ka bishan Agoosto ee soo socota soo baxaya oo si rasmi ah loo daawan doonaa filim la yiraahdo Ka baxasigii Muqdisho (Escape from Mogadishu 1991).

Filimkan ka tarjumaya dhacdo dhab ah ayaa ku saabsan sidii diblomaasiyiintii labada Kuuriya ee tan Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed oo ah laba dal oo isku dad ah balse aan isku dowlad ahayni ay isu kaashadeen.

Labada umadood ayay dantu badday in ay u midoobaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen inay wada jir uga baxsadaan oo looga daadgureeyo magaalada Muqdisho oo xilligaa foodda lasii geleeysey rabshado iyo qaaquullooyin dagaal kaddib sanado badan oo kali talis iyo nidaam xumo ah.

Premier-ku filimkani waa 28-ka bishan Luulyo.

Halkan hoose ka daawo boorsamiindada…

Hadalsame Media

 

Facebook Comments