AMISOM oo qoraal kasoo saartay duqaymaha Kenya (Eray ay afkeeda ka dhowrtay)

0

(Muqdisho) 06 Juun 2021 – Ciidamada AMISOM ayaa qoraal ay soo saareen uga jawaabtey war horay uga soo baxay XF Somalia oo uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia ku dalbaday in baaritaan lagu sameeyo duqaymaha sharci darrada ah ee ay Kenya ka gaysatey Gobolka Gedo.

XF ayaa qoraalkeeda ku xustay in duqaymahaa oo uu gaystey dalka ka mid ah AMISOM uu xadgudub ku yahay dalka Somalia oo dalbatay in arrintan baaris lagu sameeyo lagana jawaabo.

“AMISOM ayaa hada ku howllan aruurinta macluumaad ku saabsan dhacdada laga soo sheegayo gobolkaas annagoo la kaashanayna DF Somalia iyo caalamka”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay AMISOM.

AMISOM ayaa sheegtay inay waajibkeeda u gudanayso si hufan oo waafaqsan shaciyadda ay u haysato nabad ilaalinta Somalia, balse nasiib darro marna sooma hadal qaadin magaca dalka Kenya oo aan wax sharciyad ah u marin duqaymahan ay rayidka ku laysay, sidoo kalena ay horay marar badan uga gaysatey koonfurta fog ee Somalia oo ay ku burburiso kaabayaasha isgaarsiinta maxalliga ah.

AMISOM howlgalkeeda kama mid ah duqaymo cireed, sidoo kale ciidamada cirka ee duqaymahan ka gaystey Somalia kama mid ah AMISOM, taasoo noqonaysa xadgudub caalami ah oo lagu soo sameeyey geyiga Somalia oo ay tahay in la diido.

DF Somalia mid hadda jirta iyo mid ka horreeysey arrintan horay marna ugama hadli jirin.

Xogo ku dhow degaannada la duqeeyey ayaa xaqiijiyey in duqaymaha ay khasaarooyin badan kasoo gaareen dad rayid ah iyo hantidooda, waxaana ugu darnaa qoyska Cali Axmed Sh Cabdi (Cali Geedi) oo ay xaaskiisii Sahra Aadan Warsame iyo 5 carruur ah oo kale oo ay isla iyadu dhashay oo uu midkood 3 bilood jir ahaa, weliba dhaawacyo halis ah. Qof kale ayaa isna dhaawaciisa la sheegay.

Hadalsame Media