Xisbiga Kulmiye oo kaddib guuldarradii doorasho ay ku dhacday jug kale oo siyaasadeed

0

(Hargaysa) 06 Juun 2021 – Xisbiyada Mucaaradka ah ee Soomalilad ayaa ku dhawaaqay inay sameysteen isbaheysi cusub sii ay ugu guuleystaan hogaanka Golaha Wakiilada iyo Duqa Magaalooyin dhowr ah.

Labadan xisbi oo guulo ka sameeyey doorashooyinkii dhexe iyo kuwii degaanka ee ka qabsoomay Somaliland oo ay guuldarro kasoo gaartey Xisbiga xilka haya ee Kulmiye, ayaa isbahaysiga jug kale oo siyaasadeed ku yahay.

Dhanka kale, doorashooyinka Somaliland ka dhacay ayaa waxaa khasaare ba’an kala kulmay haweenka oo aan xitaa hal kursina ka helin Xildhibaannada Dhexe, waloow ay markii horeba mid uun ku lahaayeen, halka dhanka degaanka ay ka heleen ilaa 3 kursi.

Sidoo kale, xubnihii 17-ka ka koobnaa ee loogu tartamayay doorashooyinka golaha deegaanka Hargeysa ayaa loo kala helay sidatan: UCID wuxuu helay 4, Kulmiye wuxuu helay 6 xubnooda, halka xisbiga kale ee Waddani uu helay 7 xubnood.

Golaha Wakiillada ee deegaanka Maroodijeex oo ay ku tartamayeen 20-ka xubnood waxaa loo kala helay sidatan: xisbiga UCID wuxuu helay 5 xubnood, Kulmiye 8 xubnood, halka Waddani uu helay 7 xubnood.

Labo haween ahaa oo u kala tartamayay labada xisbi mucaarad oo markii hore aad loo filayay inay ku soo baxaan doorashooyinkan ayaa iyaguna ku fashilmay inay kasoo dhex muuqdaan.

Hadalsame Media