”Waxay iga kexeeyeen meel xaflad ah kaddibna way i kufsadeen” – Saafi Cumar oo bixisay waraysi xanuun badan (Daawo)

0

(Hadalsame) 05 Juun 2021 – Saafi Cumar ayaa sheegtay inay weli dareemayso uur ku taallo kasoo gaartey kufsi lagula kacay iyada oo 16-jir ahayd. Waxay ahayd 1986-kii.

Saafi ayaa sheegtay inay aabbeheed iyo hooyadeed ay kala tageen iyagoo yar yar taasina ay keentay inuu qoyskii kala lumo kaddib markii uu aabeheed xaas kale guursadey. Hooyadii ayaa aaddey Sucuudiga kaddibna waxaa ilmihii oo ay ka mid tahay Saafi oo aan weli 10-jir gaarin loo geeyo ayeeyadood.

Waxay sheegtay inay habeen aaddey xaflad dhallinyaro oo ka jirtey xaafad ka tirsan Howlwadaag, balse waxay sheegtay in gabdhihii ay asxaabta ahaayeen qaarkood ay dibindaabyo u dhigeen oo iyada lagu maqnaa.

Waxay sheegtay in wiil gaari wataa uu ku casuumey inuu xaafaddeeda sii geeyo kaddib dhamaadkii xafladda, waxayna sheegtay in mar uu marayey meel u dhow Hoteel Wehliye uu u baaqay niman meel jidka dhiniciisa fadhiya, kuwaasoo labada gees ka kala fariistay, iyadoo deeto uu gaarigii aadey dhanka Lambar 4 kaddibna jihada Garoonka.

Waxay sheegtay in la geeyey meel cidlo ah kaddibna ay halkaa ku kufsadeen. ”Waxay igu sameeyeen wax kasta oo xun oo ay samayn kareen. Waa tuugay waa baryey, balse marna iima diir nixin. Inaan gabar ahay oo aanan horay nin u arkin ayaan u sheegay, balse ima damqanin,” ayay tiri Saafi.

Waxay sheegtay in dhibkaa jireed ee gaarey ay uga darrayd xanuunka niyadeed ee ku dhacay, iyadoo qof kasta oo ka hor yimaada ka dhuuman jirtey. ”Maalintaas ayaan noloshaydii waayey.” ayay tiri Saafi iyadoo sheegtay inay ayeeyadeed u sheegtay inay derbi kasoo dhacday, balse aanay u sheegin dhibkii hoose.

Saafi ayay ugu darnayd markii muddo kaddib uu aabeheed nin ay qaraabo yihiin usoo bandhigay, taasoo ku yeerisey wiish cusub iyo cabsi ku salaysan waxa ay ninka u sheegi doonto, maadaama gabarnimadeedii lagu soo ciyaaray, taasoo keentay inay Muqdisho ka cararto oo ay Jabuuti ka dhacdo.

Sheekooyinka noocan ah oo ay gaysan jireen dhallinyaro ay dhaleen madax, ganacsato iyo dad saamayn bulshada ku dhex leh ayaa xilliyadaa aad u badnaan jirey.

Hoos ka dhegeyso sheekada oo dhan….

Hadalsame Media