Aalad ku jirta tallaalka Covid-19 oo la sheegay inay sidoo kale dawo u noqon karto cudurro halis ah sida AIDS-ka, Kansarka iyo kuwa hidde-sidka (Wax ka baro farriin-sidaha mRNA)

0

(Hadalsame) 05 Juun 2021 – Markii ay soo baxday natiijada wejiga 3-aad ee tijaabada tallaalka cudurka Covid-19 bishii Nofeembar, iyadoo la adeegsanayo tallaalada mRNA ee ay sameeyeen Pfizer/BioNTech iyo Moderna waxaa soo baxday in 90% ay cudurka wax ka taraan. Dr. Anthony Fauci oo ah khabiir yaqaan cudurrada faafa oo Maraykan ihi farxaddiisa waa qarin waayey.

Tiknolojiyaddan cusub ee mRNA oo lagu arkay hufnaan ku aaddan sida ay ula tacaali karto cudurro badan oo faafa fayruskana ka dhasha ayaa waxaa xitaa ka yaabban dadkii daraasaadkeeda horay ula socdey una ololaynayey.

Farriin walaha RNA, ama mRNA, waa wax haatan ku cusub dhegaha dadwaynaha, balse waxaa cilmi baaris lagu hayey dhowr 10-sanaale, waxaana haatan laga fikirayaa in loo adeegsado la tacaalidda cudurro badan oo laayaan ah oo horay gacan looga taagey.

Waxaa cudurradaa ka mid ah cadowyada soo jireenka ah sida HIV, caabuqyo halis geliya carruurta yar yar iyo da’yarta sida RSV iyo metapneumovirus. Waxaa sidoo kale lagu tijaabinayaa noocyo ka tirsan kansarka oo ay ku jiraan melanoma oo ku dhaca unugyada midab-sidayaasha ah ee jirka iyo feexaha maskaxda.

Waxaa kale ooo la sheegayaa in mRNA sidoo kale lagula tacaali karo cudurrada loo yaqaan autoimmune oo ka dhasha marka uu si saaxi ah u shaqayn waayo ama uu jahawareero hannaanka daafaca jirku ee uu deeto dagaal khaldan ku qaado unug jirka ka mid ah.

Sidoo kale waxaa soconaya daraasaad lagu eegayo in sidoo kale lagula tacaali karo jirrada basaas unugga (sickle cell disease) oo ah bugto la dhaxlo oo aanu qofku lahayn unugyo dhiig cas oo ku filan inay jirka gaarsiiyaan ogsijiin ku filan.

Daraasaadka tallaalka mRNA waxay u laabanayaan 1990meeyadii, markii uu cilmi baare Hungarian ihi uu daraasaad ka bilaabay Katalin Kariko oo ka tirsan University of Pennsylvania si loogula tacaalo cudurrada hidde-sidka.

Ujeedku waa in iyada oo la adeegsanayo fariin walaha malakiyuullada mRNA, awaamiir la siiyo unugyada jirka si ay u sameeyaan howl mucayin ah.

Tusaale, tallaalka mRNA, waxaa loo sheegayaa inuu sameeyo wax u eg koobi fayrus, si uu jirku usoo saaro lid-jireed iyadoo ay jawaabi ka imaanayso hab-dhiska daafaca jirka, balse fayruskii koobiga ahaa meesha wuu ka baxayaa marka uu daafaca jirku la yimaado hubkii uu kula dagaallami lahaa, sidaas ayuu qofku diyaar ugu noqonayaa inuu iska celiyo haddii uu hadhow jirkiisa soo galo fayruskii dhabta ahaa.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media