Liiska hordhaca ah ee ciyaartooyda Xulka Qaranka Somalia ee gudaha & dalalka ay kuwa kale ka imanayaan (Dalka ay la dheelayaan)

0

(Muqdisho) 05 Juun 2021 – LIISKA CIYAARTOYDA XULKA SOMALIYA (GUDAHA) – Waxaan helnay liiska hordhaca ah ee Xulka Qaran ee kulanka isreebreebka ah ee FIFA Arab World Cup la dheelaya dalka Cumaan.

Liiska ciyaartoyda aan rabo inaan idiin soo gudbiyo wuu daabacan yahay, 20-ka mid ah waxey ka yimaadeen qurbaha, halka 10 kalana laga wacay kooxaha dalka.

Kaliya hal ciyaartoy ayaan wali shaki ka jiraa waana Saciid Yamani, (Liiska lasoo saaray wuu ku jiraa hubanti), balse waxaa jira walaac yar oo ku saabsan dhaawaciisa, soona kordhay markio uu liiska soo baxay, sida loogu adkeysan doono lama oga, waa waxyaabo u dhaxeeya MCC iyo Xulka Qaranka.

Ciyaartoyda banaanka ka imaaneyaa 12 dal oo kala duwan ayaa laga soo xulay ciyaartoyda, waxaana ka mid ah: Canada, USA, UAE, Australia, New Zealand, Finland, Sweden, England, Greece, Iceland, Norway iyo Italy.

Cumaraani iyo Handwalla Bwana waxey xulka uga hareen dhaawacyo, balse hadii xulka tartanka FIFA ARAB CUP usoo baxo, waa macquul iney qeyb ka noqdaan.

CIYAARTOYDA GUDAHA:

HORSEED: (Ibraahim Ilyaas, Ibraahim Rasta, C/kariim Qubaaye iyo Nuur Messi)

MCC: (Saciid Yemeni (?) C/casiis Catoosh iyo Axmed Baanu)

DEKEDDA: Anwar Shakuunda iyo Xasan Ibraahim Xaseey (GK)

HEEGAN: C/casiis Safimaayo.

Liiska ciyaartoyda dibadda waxaan filaa inuu qof walba heysto.

Liiskaan waa mid miiska saaran, si farsamo ah wax waa isku badali karaan, balse ciyaartoydaan waa loo sheegay in loo baahan yahay.

Waxaa Diyaariyey: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media