Maxaa looga gaabsaday gumaadka Gobolka GEDO? (Dadka oo gocanaya hal arrin)

0

(Ceel Cadde) 03 Juun 2021 – Duqaymo ay dayuuradaha Kenya ka gaysteen degaanka Ceel Cadde oo 60 km galbeed kaga beegan caasimadda Garbahaarrey ee Gobolka Gedo, ayaa laga soo sheegay khasaare nafeed oo rayidka gaarey iyo burbur hantiyeed.

Duqeyntan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay si gaar ah uga dhacday deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac dad aan waxba galabsan, xilli aan sidoo kale la garanaynin cidda Kenya xaqa u siisay inay ku toog barato dadka shacabka ah.

Xogo ku dhow degaannada la duqeeyey ayaa xaqiijiyey in duqaymaha ay khasaarooyin badan kasoo gaareen dad rayid ah iyo hantidooda, waxaana ugu darnaa qoyska Cali Axmed Sh Cabdi (Cali Geedi) oo ay xaaskiisii Sahra Aadan Warsame iyo 5 carruur ah oo kale oo ay isla iyadu dhashay oo uu midkood 3 bilood jir ahaa, weliba dhaawacyo halis ah. Qof kale ayaa isna dhaawaciisa la sheegay.

“Duqaynta ayaa lala beegsaday guryo ay dad shacabka ah deganyihiin hooyo ayaa ku dhimatay 5 caruur ahna waa la dhaawacay ciidanka Kenya ayaa ka dambeeya” ayuu u qof goobjoog ihi u sheegay Radio Mustaqbal oo ku yaalla Muqdisho.

Degaannada la duqeeyey ayaa waxaa ka mid ah Ceel Cadde, Iikooley, La Heley, Warburay, Burcalaan, Dhamaaso, Watr Gaduudo, Qulqul Shubaal, Balanbaal, Muudale, Abroone, Busaar, Cows Qurun iyo Darusalaam.

Duqaymaha ay Kenya ka gaysanayso degaannadan ayaan wax sharciyad ah haysanin, iyadoo sidoo kale horay marar badan u burburisay xarumo isgaarsiineed.

Yeelkeede, waxay dadku la yaabban yihiin aamuska dhega barjayska ah ee ka imanaya horseedka siyaasadda Somalia min muxaafid ilaa mucaarad, jeer ay Kenya ku xadgudbayso madax bannaanida gayi ee Somalia.

Waxaana arrintan xiise gaar ah u yeelayso in Gobolka Gedo uu ka mid ahaa meelihii ay doodaha adagi ka taagnaayeen marka la isku hayey cidda xaqa u leh soo xulitaanka Xildhibaannada Gobolkaa ku metelaya DF Somalia.

Taasi waxay ka dhigan tahay inay wax kasta ay Somalia muhiimad gaar ah yeelanayaan oo qura marka ay dan kursi gasho, balse haddii kale aanu jirin qof dan ka leh dalka, dadka iyo danahooda guud.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media