Xubnaha laga saaray Guddiyada Doorashooyinka oo ku dhowaad la’eg kuwa kusii jira (Akhri shuruudaha la iska doonayo)

0

(Muqdisho) 06 Juun 2021 – Guddiga loo saaray Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay RW Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta shaaciyey in ilaa 34 xubnood laga tuuray taxa Guddiyada Doorashooyinka ee heerarka kala geddisan ee Federaal iyo Gobol.

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ayaa sheegay in kaddib baaris ay sameeyeen ay usoo baxday in Guddiyada laga saaro 34-kan xubnood oo jebinaya hab-raaca looga baahan yahay dhexdhexaadnimada qofka xubin noqonaya.

Waxaa haatan xigi doona in muddo 48 saacadood gudahood ah lagu soo magacaabo isla xubnihii bedeli lahaa xubnahan laga cayriyey Guddiyada Doorashooyinka, sida ay sheegeen Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka.

Warar hoose ayaa sheegaya in xubnaha horay loo qoondeeyey in la xooro ay aad uga badan yihiin 34-ta xubnood ee haatan lagu dhawaaqay ee ay gaarayeen ilaa 50 xubnood, balse cadaadis uu ka yimid dad aan carrabaabin oo ku adkaystay in aan la saarin xubnaha qaar.

Yeelkeede, xubnaha la saaray qiyaastii kala bar ku dhowaan uun ka 67 xubnood oo ay Middowga Musharaxiintu u gudbiyeen RW Rooble si looga saaro guddiyadan, taasoo ka dhigan in 33 xubnood oo muran ku jiraa ay weli xubno ka yihiin Guddiyadan.

Halkan ka akhri shuruudaha laga doonayo Guddigan:

1 – Waa in uu yahay Qof Muslim ah, dhimirka Ka Caafimaad qaba, Da’diisa ka yareyn 30 Sano.

2 – Waa in uu yahay qof Dhexdhexaad ah, oo Bulshada Dhexdeeda Sumcad ku leh.

3 – Waa in uu yahay Qof Hufan, oo karti leh, Gudan kara Waajibaad loo xilsaarey si daahfuran.

4 – Waa in uusan gelin wax dambi ah Xukumina Maxkamad 5-tii Sanno ee ugu dambeysey.

5 – Waa in uusan Xil Siyaasadeed ka hayn Dalka.

6 – Waa in aqoontiisa gaarsiisan tahay Heer Jaamacadeed, aqoona u leh arrimaha doorashooyin.

7 – Waa in uu Fahmi karaa arrimaha doorashooyinka dadban 2020- 2021.

8 – Waa in uusan wax Xiriir ah la lahayn kooxaha Kooxaha Xag jirka.

Hadalsame Media