Akhri tobanka (10) tayo qofeed oo lagu yaqaanno HOGGAAMIYAHA culus (Qaybtii 3-aad)

0

(Hadalsame) 30 Abriil 2021 – Hoggaamiyeyaashu waa kuwa qaabeeya qaramadeenna, bulshadeenna, go’aamadeenna, ururradeenna iyo guud ahaan aayeheenna nololeed. Akhri qaybtii 2-aad…

Saamayn

Dadka qaar, “saamayn” waxay ula muuqataa eray xun. Balse inaad dadka ku qancin karto adigoo wax uga dhaadhicinaya si waaqici ah, dareen leh amaba tusaya dan idinka dhaxaysa, waxay muujinaysaa inaad tahay hoggaan firfircoon. Saamayntu waa ka duwan tahay khalkhal gelinta iyo marin habaabinta, waayo waxay u baahan tahay dareen caqliyaysan iyo aaminaad.

Damqasho

Damqashadu waa qayb aad muhim ugu ah hoggaaminta wax ku oolka ah. Marka aad muujiso inaad la tacaadufayso oo dareemayso halka uu dhibku ka haysto dadka aad maamusho, waxaad samaysanaysaa xiriir dareen (emotional attachment) run ah oo dadku waxay kuu arkayaan mid iyaga ka mid ah oo la qadaya lana qariibaya oo dantiisu dantooda tahay. Sidaa darteed, damqashadu waxayba keentaa in laguu arko nin qaddiyadiisa loo dhan yahay oo wax gaar raacdo ugu jirin.

Geesinnimo

Geesinnimadu waa tayo qofeed muhim ah, mana aha midda xarfiga ah ee inuu qofku dagaal galo ama ay dhirbaaxo qofka kasoo horreeyso waxa laga hadlayaa. Waxa la sheegayaa waa go’aan qaadashada qaar oo ay ugu horreeyso midka aad adigu isku xakamaynayso amaba aad ku qiranayso arrin kaa khaldantay, aad ku keenayso ra’yiyo cusub oo aan horay loo sahmin.

Geesinnimadu ma aha inaad iska fariisato oo aad sugto inay xaaladuhu iskood u raystaan ama u kala raystaane, waa midda aad inta istaagto wax u xalliso sida saxda ah anshax ahaan adigoo dadka u jiheeynaya dhanka toosan.

Xusmad

Inaad si joogto ah dadka xushmad kula dhaqanto waa waxyaabaha ugu mudan ee uu hoggaan samayn karo. Waxay yaraysaa xiisadda iyo khilaafka, waxayna sare u dhigtaa hufnaantaada iyo sumcadaada. Tan kale, xushmaddu ma aha oo qura maqnaanshiyaha xushmad darrada balse waxaa lagu muujin karaa qaabab kale oo badan.

Dhamaad

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media