Akhri tobanka (10) tayo qofeed oo lagu yaqaanno HOGGAAMIYAHA culus (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 29 Abriil 2021 – Hoggaamiyeyaashu waa kuwa qaabeeya qaramadeenna, bulshadeenna, go’aamadeenna, ururradeenna iyo guud ahaan aayeheenna nololeed. Akhri qaybtii 1-aad…

Iska warqab

Waloow ay tahay xirfad gudeed oo uu qofku iskii u yeesho, misna iska warqabka iyo inuu qofku naftiisa yaqaan waa tayo muhim u ah hoggaanka, si khiyaali iyo is moodsiin maran looga fursado. Markasta oo aad is taqaan waxa aad qaban kartana waad taqaan, wixii aadan awood u lahaynna isku shiddayn maysid.

Abaal

Inaad tahay qof abaal leh waxay kaa dhigtaa hoggaamiye wanaagsan. Abaalku wuxuu kuu yeelaa sumcad wanaagsan, wuxuu yareeyaa diiqadda iyo welwelka, xitaa wuxuu keenaa hurdo wanaagsan. Dad yar ayaa si joogto ah u adeegsada kelmadda “mahadsanid” marka abaal loo galo. Waxaa intaa dheer, in ay dadku jecel yihiin una xoog furan yihiin qofka qiimeeya howsha ay qabanayaan. Is bar inaad qof kasta uga abaal haysid wixii wanaagsan ee uu kuu galo.

Wax kororsi

Awoodda uu qofku wax uga baran karo marxaladaha aanu aqoonin wax uu ka yiraahdo ama ka yeelo waa u muhim hoggaanka. Waa awoodda uu qofku u yeelan karo inuu yaqaan waxa ay tahay inuu falo marka aanu aqoonin wax uu falo. Inaad tahay qof “dhaqse wax u barta ama u fahma” isla markaana wacdaro ka dhigi kara duruufo aan horay ugu qurqursanayn ama kedo kusoo mara, waxaad tahay qof xaaladda la kora.

Yeelkeede, qof kasta wuu is bari karaa sida marxaladaha aan la aqoon loola xusliyo deetana loola xaalo sida ugu wanaagsan. Raadi oo baar sida hoggaamiyeyaasha waawayni ay u yihiin bartayaal waawayn.

La soco qayb kale….

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media