Kelmad beryahan kusoo noqnoqotay dhegaha dadwaynaha Muqdisho oo dhaliil la kulantay

0

(Hadalsame) 29 Abriil 2021 – Yuusuf Garaad, Wasiir Dibadeedkii hore ee DF ayaa aad u dhaliilay kelmad beryahan soo noqnoqotay oo ku saabsan in shacabka loo turo oo u ekaatay mid laga baryayo dadka ay khuseeyso.

Wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay sidatan: Xuquuqda Shacabka – “Shacabka ha loo turo”, waa baaq maalmahaan la soo celceliyay. Ujeeddadiisu ma xumo, waxaadse mooddaa in loo ekeysiinayo in qofka loo jeedinayo ay ku xiran tahay in uu shacabka u turo iyo in kale.

Shacabka xuquuqdiisa waxaa dhowraya Dastuurka iyo Qaanuunka kale ee dalka. Labadaba waxaa saldhig u ah Shareecadu.

Shacabka u tur ma ahan ee waa sharciga ha jebin.

Qofka sharciga u hoggaansani shacab waxba uma dhimo, kii sharciga jebiyaana waa dambiile.

In xuquuqda shacabka la dhowraa ma ahan in shacabka axsaan loo sameynayo oo loo turayo ee waa ku dhaqanka sharciga.

Sidaa darteed ma ahan in aan dhahno shacabka ha loo turo, ee waa in aan ay ahaataa -Shacabka ha ku xadgudbin oo ha noqon dembiile.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media