Maraykanka oo la sheegay inuu foowdo ku bilaabay ”heshiiska” dalalka Itoobiya, Somalia & Eritrea

0

(Washington, DC) 29 Abriil 2021 – Jeffrey David Feltman oo ah diblomaasiga ay dhowaan Maraykanku u magacaabeen Geeska Afrika ayaa durba laga sharaystay dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Ninkan oo xilkaa loo saaray 23-kii bishan Abriil, horayna u ahaa ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee QM, ayaa lagu eedeeynayaa inuu qas iyo wareer gobolka ka aloosayo isagoo diiddan iskaashiga cusub ee jaalnimo ee dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Somalia, sida ay ku doodayaan dad badan oo u dhashay Itoobiya iyo Eritrea.

Dadkan ayaa dareensan in Maraykanku aanu doonaynin iskaashi gobolka ka dhaca balse uu ku dadaalayo inuu gobolku kala qoqobnaado, iyagoo raadinaya nin Melez Senawi oo kale ah oo ajendohooda fuliya, waa sida ay ku doodayaane.

Mebrak Ghebreweldi ayaa soo qortay ”Gobolku waa siduu isu bedeley. Eritera. Itoobiya iyo Somalia waxay si buuxda iskugu raaceen inay xiraan taariikhdii khilaafka iyo dagaalka. Maraykan iyo EU waxay ka cabsanayaan mustaqbalkan nabadda iyo baraaraha ku dhisan ee uu gobolku gelayo.”

Si kastaba, heshiiskan la sheegayo ayaysan Somalia dadku xog badan ka haynin maadaama aan Baarlamanka la hor gaynin isla markaana aan tafaasiil badan laga bixin waxa uu yahay.

Hoos ka eeg jawaabaha adigoo gujinaya tweet-yada…

Hadalsame Media