Akhri tobanka (10) tayo qofeed oo lagu yaqaanno HOGGAAMIYAHA culus (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 28 Abriil 2021 – Hoggaamiyeyaashu waa kuwa qaabeeya qaramadeenna, bulshadeenna, go’aamadeenna, ururradeenna iyo guud ahaan aayeheenna nololeed.

Waa wax aad loogu ooman yahay iyo weliba nasiib in la helo hoggaan wanaagsan. Haddaba, tiiyoo ay bulshadeennu lasoo deg degto bar garashada hoggaamiyaha xun, bal aan eegno astaamaha lagu garto hoggaanka wanaagsan.

Markii daraasaadka caalamiga ah la eego, waxaa inta badan la isku waafaqsan yahay in hoggaamiye wanaagsan la oran karo hoggaamiyihii ku sifooba 10-kan tayo qofeed, ama ugu yaraan qaar badan oo ka mid ah oo aannu mid mid u sii kala qaadi doonno:

  • Qiyam
  • Awood fidin (wadaagid)
  • Balaaqo iyo af-tahannimo
  • Iska warqab
  • Abaal
  • Wax kororsi
  • Saamayn
  • Naxariis iyo damqasho
  • Geesinnimo
  • Xushmad

QIYAMKA

Qiyamku waa wax aad muhim ugu ah qofka hoggaamiyaha ah maadaama uu qaadanayo go’aamo adag, waa inuu go’aankiisu ku salaysnaadaa anshax iyo akhlaaq wax laga eegayo ama lagu saleeynayo wixii sax ah ama xaq ah. Marar badan dadku diiradda ma saaraan qiyamka qofka, taasoo dhalisa in uu wax hoggaamiyo qof aan milgo lahayn, taasoo ka dhigan sidii awr aan dabar lahayn ama gaari aan bareeg lahayn.

AWOOD FIDINTA

In uu awoodda dadka la wadaagi karo waa mas’uuliyadaha asaasiga ah ee laga doonayo hoggaamiye, balse ujeedku ma aha qura inaad howlaha dad u kala dhiibto oo qura e waa inaad ku caawisaa ku tababartaa isla markaana aad siisaa xorriyad iyo go’aan gaaris madax bannaan. Sidoo kale waa inaad tahay ciyaaryahan kooxeed sidoo kalena aad dhistaa kalsoonida dadka kula shaqaynaya, si mar kasta si deggan loogu qaato go’aanno toosan oo niyad sami leh.

BALAAQADA

Hoggaan fiicnaan karaa waa yar yahay haddii aanu qofku lahayn gudbin wanaagsan. Soomaalidu waxay tiraahdaa ”nin gunti xun inuu wax qarsanayaa la moodaa”. Waa muhim wax gudbintu min inaad dadka xog gaarsiiso ilaa inaad wax iyaga barto, balse sidoo kale waa inaad tahay dhegeyste wanaagsan. Sida ugu wanaagsan uguna wax ku oolsan ee aad dadka farriimahaaga u gaarsiin kartaa waxay saamayn togan ku yeeshaan guulaysiga qaddiyadda aad xambaarsan tahay.

Ogow, xitaa haddii uu ujeedkaagu xun yahay in si xun wax loo gudbiyaa dhihid iyo dhigaalba waxay mararka qaar keentaa natiijo caksi ah. Xusuuso hakadkii meesha khaladka ah la geliyey ee keenay in la toogto nin la sii dayn lahaa, arag farqiga u dhexeeya. ‘kill him not, leave him. ‘kill him, not leave him.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media