Farsamo sahlan oo xalay lagu badbaadin kari lahaa libaaxii baxsaday (Eed qabanaysa Waran Cadde & Booliiska)

0

(Hargaysa) 30 Abriil 2021 – Waxaa Hargeysa lagu dilay Libaaxii ka soo baxsaday Cali Waran Cadde oo rasaas nool lagu dhuftay, meydkiisiina la gubay.

Waxaa jira hab fudud oo xayawaanaadka baxsadka ah loo qabto iyadoon wax khasaaro ah dhicin, isagana dilin.

Waxaa loo adeegsadaa qoriga dawada suuxisada leh ee loo yaqaan (A tranquillizer gun) kaasoo meelaha qaar ka jooga wax ka yar $200 dollar.

Ninkii haysta xayawaan wax ugaarsada ama maamula meel xayawaannada lagu xareeyo wuu ku khasban yahay inuu qoryahan soo iibsado.

Midda kale ee yaabka leh waxay tahay in raqdii ama meydkii Libaaxa inta xaabo la saaray la gubay oo xitaa loo diiday in ay xayawaannada kale iyo shimbiruhu ka duceeyaan.

Libaaxyada iyo xayawaanno kaleba Somalia waa kasii dabar go’ayaan.

Waxaa Diyaariyey: Yaxya Yuusuf

Hadalsame Media