“Laba dhacdo oo aan beri dhowayd la kulmay ayaa ii muujiyey sida ay reer Muqdisho dowladnimo u doonayaan!”

0

(Hadalsame) 30 Abrii 2021 – ALLA DADKA MUQDISHO DOWLADNIMO JECELAA, BALSE WAXAY WAAYEEN..

Labadaan Tusaalo ama dhacdo ayaa kuugu filan:

1 – 70 gaari oo sida Dhagaxaan, Nuurad iyo Ciid ayaa hal Askari ku hortaagan yahay Duleedka Kaaraan iyagoo awooda inta Askarigaas dharbaaxo kala daalaan ka dibna soo galaan Magaalada.

Weliba Darawalada Gawaarida wada Waxay Hoos jiifaan Gawaarida si ay uga gambadaan Qoraxda iyo Dabeysha iyagoo sugaya Fasax ay Magaalada kuu soo galaan sidoo kale waxay xiligaas bixinayaan Canshuurtii.

2 – Mooto Bajaaj ayaa raacay markii Cabaar i wadey ayuu wiilka Darawalka ka ahaa inta meel Xafiis ah nagu leexiyey ayuu igu yiri
” Wax yar ii sug Warqadii Canshuurta ayaa iga dhacdey, si aan u soo goosto Canshuurtii Bisha, aad baan ugu farxay waliba waan sugey cabaar.

Labadaas Dhacdo ayaa kuugu filan in dadka Muqdisho rabaan Dowladnimo iyo ilaalinta Sharciga iyo Dastuurka marka waxay waayeen Hoggaan Wanaagsan.

Waxaa Qoray: Amiin Y Khasaaro

Hadalsame Media