Boob dowladeed oo lagu bilaabay suuq Muqdisho caan ka ahaa & cidda laga iibiyey

0

(Muqdisho) 30 Abriil 2021 – Suuqii Xoolaha ee qadiimiga ahaa ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in burburin lagu bilaabay si loogu rogo ganacsiyo iyo dhismayaal ay leeyihiin ganacsato dhulkaa si sharci darro ah looga iibiyey.

Suuqan oo bilowgii xoolaha uun lagu iibin jirey balse ay Dowladdii Ciidamadu u rogtey mid lagu gado hilibka iyo khudradda ayaa haatan dhismihiisa oo shub ahaa la burburinayaa, taasoo ay ka qayliyeen dad badani.

Suuqan oo aan muddo 30 sano ka badan aan la isticmaalin ayaa u baahnaa dayactir iyo dib u dhis si markale ay u adeegsan karaan dadwaynaha Wardhiigleey, balse taasi ma dhicin oo waxaa qaab musuq ah loogu wareejiyey ganacsato.

Ganacsatadan oo haatan sidoo kale la wareegey dhulal dowladeed oo ku yaalla meelo kala duwan oo ay xitaa ku jiraan iskuulladii umaddu, ayay dadku is waydiinayaan sida aysan uga fikiraynin xalaalnimada waxa ay shaqaysanayaan maadaama aanu nahay umad Muslim ah oo qofka la waydiinayo wixii uu shaqaysto.

Waxaase ka sii daran, in markii ay dowladi dalka timid in dadwayne si gaar ah looga iibsado dhulal badan oo aan xitaa la qaadanin xilliyadii dowlad la’aanta iyadoo ay dowladi jirto.

Gobolka waxaa ku waajib ah inuu arrintan si kale u maareeyo.

Hadalsame Media