Xoogag isbeddeldoon ah oo dalka Zimbabwe ka bilaabay dood ku salaysan meel ay Somalia uga fiicnaatay dalkooda

0

(Harare) 30 Abriil 2021 – Koox la yiraahdo Team Pachedu oo ah koox wadaniyiin ah oo u ololaysa dalka Zimbabwe looga samayn lahaa nidaam hufan oo ku dhisan xisaabtan iyo daahfurnaan ayaa tusaale usoo qaadatay Somalia.

Waxay xuseen Garoonka Ciyaaraha Istaadiyo Muqdisho oo mar ahaan jirey xero ama saldhig ciidan, balse haatan dib loo dayactiray kuna soo baxay gego caalami ah oo waafaqsan heerka caalamiga ah haystana shahaadada FIFA ee martigelinta tartamada caalami.

”Garoonka Mogadishu Stadium wuxuu ahaa saldhig ciidan ilaa Agoosto 28, 2018-kii, bal hadda eega sida uu u yaallo. Qurux.” ayay soo qoreen.

Yeelkeede, dadka ayaa ka fal-celiyey, kuwaasoo aysan qaarkood ay aad u amaaneen arrintan iyo isbeddelka ka muuqda, waloow ay jireen qaar aan la dhacsanayn farriinta uu qoraalku dirayo.

”Ma Somalia ayaad runtii amaanaysaa??.” ayuu mid soo qoray.

Team Pachedu ayaa ugu jawaabey: HAA! Horumar ayay sameeyeen garoonkooduna haatan waa ka fiican yahay kuwa Zimbabwe.”

Nin kale ayaa soo qoray: ”Dhowr fac ayay nagu qaadanaysaa inay garoomadeenna qaranku sidaa u qurxoonaadaan.”

Hadalsame Media