Hal arrin oo ay tahay inuu MW Farmaajo si deggan u eego iyo 2 tillaabo oo uu maanta ku sixi karo

0

(Hadalsame) 30 Abriil 2021 – Dalka ayaa haatan maraysa meel xasaasi ah oo ay wax kastaahi isku cakiran yihiin, waloow dhegta loo dhigayo waxa berri kasoo yeeraya Aqalka Hoose oo aan haatan si kastaba wax sharciyad ah haysanin.

HADABA MAXAY TAHAY INAY MADAXTOOYADU QIIMAYSO? MW Farmaajo waxaa la gudboon in isaga oo aan wax kale eegin uu eego meesha uu dalku maanta joogo iyo halkii uu joogey maalintii isaga loo dabbaaldegayey 8-dii Febraayo 2017-kii, xilligaasoo ay dadka maanta ka horjeeda ama taageeradiisa ku qaybsani ay wada taageerayeen.

Tusaale, waxay arrintani la meel joogtaa sida raace subixii loo dhiibey dhowr tiro oo xoolo ah, balse fiidkii soo cid galay isagoo soo lumiyey ama bahal kasoo cunay xayn xoolahaa ka mid ah.

Sida marka koox ciyaar looga badiyo tababaraha loo eryo, marka ay xoolihii qofka la raaciyey ay lumaan lama eedeeyo dad kale oo uu jidka kula ciyaaray ee kaddib jeediyey e, isaga ayaa lagu eedeeyaa xoolihii lumay, darmay ama uu bahalku cunay.

Sidaa si la mid ah waxaa ah marka aad dareento inay aad u gurayso taageerada aad ka haysato dadka dhexdhexaadka ah ee aan dan iyo qabyaalad midna kugu taageeri jirin ee si iskood ah oo madax bannaan kuu taageeri jirey. Dadkaasi waa kuwa waxgaradka ah ee ay tahay in mar kasta hal-beegga laga dhigto, maadaama qofka kharash ama qabyaalad wax ku taageerayaa uusan cabbir noqon karin.

Ma lihi mucaaradka ayaa si fiican u dhaqmaya, horayna waan u sheegay in Somalia aysan marna lahayn mucaarad wanaagsan oo wax miisaama, balse waxaa sidoo kale eedda dhankiisa ka leh Madaxwaynaha laftiisa oo aan lasoo bixin xeelad siyaasadeed oo xikmad ku dhisan oo uu uga tillaabo caqabadaha jira, taa biddaalkeedana lasoo baxay siyaasad ku dhisan xafiiltan, marin habaabin, iyo awood cayrsi, taasoo xaaladdii sii murjisey soona taagtey meesha ay maanta joogto.

Weli waxaa Madaxwaynaha xilkiisa lagu muransan yahay u furan 2 waddo oo qurux badan oo haddii uu qaado uu xitaa soo ceshan karo taageerada dadka qaar:

1 – Inuu is casilo oo iska tago isagoo eegaya inuu bal wax dhaxal ah ka tegi karo iyo

2 – Inuu ugu yaraan ku dhawaaqo inuu musharrax yahay geesna uu ka istaago geeddi socodka doorashada oo uu musharrixiinta kale ula sinnaado.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media