Kursiga Somalia waxaa haatan ku loollamaya 3 qolo mid baase ugu tira badan

0

(Hadalsame) 03 Maarso 2021 – Siyaasadda dalka soomaaliya wexey dhextaal 3 qolo. (muxaafid) kursiga ku fadhiya ama kula daarta. Mucaarad kursiga u hanqal taagaya, kuwa horena kula daaran waayey.

Labadaa qolo waa laga tiro badan yahay, waa (minority) haddana iyagaa ugu sawaxan badan.

Qolada (saddexaad) waa soomaalida inteeda badan gudo iyo dibad, waa aamusanayaasha tirada badan (majority) oo labada qoloba sheegato laakiin iyagu aamusan oo aan weli hadlin.

Muxuu yahay hammiga saddexda qolo?

Labada qolo (muxaafid iyo mucaarid) isu ekaa? mararka qaar mataanaha colloobey ayaad moodaa! hammigooda iyo hankoodu waa: Kursi, lacag, jago, magac, dhalaal, iyo dantayda.

Qolada (saddexaad) ee tirada badan hammigoodu waa: dal iyo dad, dhulkooda ay nabad ku seexdaan, nabad uga shaqaystaan, nabad ku maraan, si gobanima leh aduunka ula dhaqmaan, qaxootinimada ka baxaan, biyo ay cabbaan, koronto ay shitaan, wado ay maraan, rugo caafimaad oo lagu daaweeyo, diyaarad iyo garoon ay ku degaan aduunkana kala xiriiraan, iyo tan ugu daran: in aan caasimadooda dhawr meelood looga talin!

Goorma ayey kala bixi doonaan saddexda qolo? Hadda sida muuqata durbaanka ayaan waxbaba laga maqli karin, aamusanayaashana mikarafoonka ayaa ka cilladaysan, waxyse ila tahay, marka ay qolada (saddexaad) ee tirada badan, ee dal iyo dad ka maqan yahay (hadasho), in labada kale aamusi doonaan! Balse aan dhawrno.

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media