DF Somalia oo maanta ku kacday khalad Dastuuri ah oo aad u wayn (Arag caddaynta)

0

(Muqdisho) 03 Maarso 2021 – Wareegto horay loo qoray bishii Maarso balse maanta uun la shaaciyey ayaa Saldhigga Booliiska Garoonka Dayuuradaha Muqdisho ee Aadan Cadde lagu hoos geeyey Booliska Gobolka Banaadir.

Wareegtadan oo kasoo baxday Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, S/ Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa lagu sheegay in Saldhigga Booliiska Garoonka iyo Saldhigga kale ee guur guura ee MVCP toos loo hoos geeyey Gobolka Banaadir.

Waxay farsamo ahaan taasi ka dhigan tahay in Saldhigga Booliska Aadan Cadde la hoos keenay taliska Saadaq Cumar (Saadaq Joon) oo ah Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, halkii ay awal hoos tegi jireen Laanta Canshuuraha Booliska Soomaaliyeed.

Khaladka arrintan ku jira ayaa waxaa uu yahay in Dastuuri ahaan ay khalad tahay in uu ciidan gobol maamulo garoomada oo ka mid ah meelaha u gaarka ah DF ah sida dekedaha, kastamada iyo xuduudaha oo ay tahay inay joogaan ciidanka Federaalku (federal facility).

Sidaa darteed, DF Somalia ayaa halkii ay ku doodi lahayd in iyada lagu soo wareejiyo hay’aadkaasi oo ay haatan marka Muqdisho laga reebo gobolladu ku dheggan yihiin, ayaa iyadii gobollo kusii wareejinaysa, iyadoo wax laga eegayo dan gaar ah oo arrintan lagu gaarayo, balse aan Dastuurka iyo sida awoodaha loo kala leeyahay lagu soconaynin.

Hadalsame Media