Dowladda Itoobiya oo bilowday adeegsiga tiknolojiyadda ”daruur beerista” & dalka ku caawinaya + Sawirro

0

(Addis Ababa) 03 Maarso 2021 – Itoobiya ayaa bilowday qorshe lagu magacaabo ”daruur beeris” oo uu dalkaa ka hirelinayo RW Abiy Ahmed oo horay arrintan ugu sharraxay Baarlamanka Itoobiya.

Itoobiya ayaa sheegtay inay horay ugu guulaysatey tijaabooyin hore iyadoo la adeegsanayo tiknolojiyadda casriga ah oo ay Itoobiya doonayso inay horumar ka samayso dhinacyo badan oo uu ka mid yahay caqliga macmalka ah (Artificial Intelligence).

Habka loo yaqaan ”daruur beerista” oo ah aragti uu 1891-kii soo jeediyey Louis Gathmann ayaa ah in dareere carbon dioxide lagu buufinayo hawada iyadoo tijaabooyin lasoo wadey tan iyo 1930-kii.

Dalka Imaaraadka oo ka mid ah dalalka haatan tiknolojiyaddan adeegsada ayaa ka caawinaya dalka Itoobiya, sida ay wararku sheegayaan.

Hadalsame Media