Dal Cirbad ku dhufaanay 25 nin oo ay maxkamadi ku heshay inay carruur kufsadeen

0

(Nur-Sultan) 03 Maarso 2021 – Dalka Kazakhstan ayaa 25 nin oo ku eedaysnaa inay ku keceen falal anshax xumo ah oo kufsi carruureed ah ku fulisey xukun ah in cirbad kiimiko ah lagu dhufaano.

Cirbadda dadkan lagu dhufaanay ayaa ka kooban maadada la yiraahdo anaphrodisiac taasoo yaraynaysa ama eber ka dhigaysa dareenka qofka ragga ah maadaama ay baloogeeyso dhecaanka loo yaqaan testosterone.

Sida uu qabo xeerka Kazakha ee la meel mariyey 2018-kii, qofkii lagu helo inuu carruur kufsaday ayaa waxaa u qoran in cirbad lagu dhufaano, walow ay jirto in saamaynta cirbaddu aysan ahayn mid abadi ah oo loo baahan yahay in markale lagu mudo 3 bilood kasta.

“Maanta waxaannu cirbad ku dhufaanaynaa 25 dembiile oo ay maxkamadi ku xukuntay in cirbad lagu dhufaano.” ayuu tiri Alexey Milyuk, Wasiir Gudeedka dalkaasi oo la hadlay Otyrar.

Hadalsame Media