Waxaa la gaarey waqtigii la garan jirey danta degaanka ee KURSIGA loo doonan jirey!!

0

(Hadalsame) 19 Juun 2020 – DADKU WAX MA FAHMEEN, MISE? Dabcan, Waa la gaaray sow maaha xiligii Xildhibaanadu ay soo xasuusan lahaayeen deegaanadii iyo dadkii ay kuraasta Baarlamaanka ku matalayeen, si ay mar Labaad balanqaadyo iyo wax ugu soo sheeg sheegaan aaney fulin doonin.

Waxaa layiri , Hongoolku waa sheyga ugu muhiimsan ee reer miyigu isticmaalo, waxeyna ku qabsadaan shaqooyin badan oo aaney isaga uga maarmin, hadana marka shaqada lagu qabsado oo reerku dego waxaa lagu tuuraa qoraxda ee lama daryeelo,waxaana la soo xasuustaa habeenkii marka oodda dhacmeed xerada xoolaha la af saarayo , sidoo kale reerku marka uu guurayana Ratigaa dabada looga xiraa,

Hadda, kursiga helidiisa dadka ayaa ugu muhiimsan , oo qofna dadkiisa la’aantii Xildhibaan ma noqon karo, hadana waxaa muuqata in inta badan dadka kuraasta lagu matalayo aaney hangoolkaas waxba dhaamin oo la soo xasuusto oo kaliya marka la rabo in Card-ka laga soo xoqdo, inta kalena qoraxda ayaa lagu tuuraa oo lama daryeelo.

-Inkastoo Anigu aanan xarafba ka fahmin habka doorasho ee la doonayo in 20-21 lagu soo doorto Xildhibaanada, kuraas baa la xawilayna waa lalahaa hhhh

Maxaa yaab isdabayaal