Turkiga oo sameeyey boobe culus oo leh maraare la nasin karo + Sawirro

0

(Ankara) 28 Feb 2021 – Turkiga ayaa tijaabiyey qori nooca boobaha ah oo uu isagu sanceeyey kaasoo haatan ku baasay dhamaanba tijaabooyinkii laga qaaday isla markaana si wadaraysan loosoo saari doono.

Qoriga oo ah nooca SAR 762 MT maraarihiisuna yahay 12.7 mm waa boobe culus oo ay samaysay Sarsılmaz, mid ka mid ah sharikaadka Turkiga ah ee soo saara hubka fudud, wuxuuna wax ka toogan karaa 1,200-mitir (3,900-cagood), iyadoo dhowaan ay heli doonaan Ciidanka Turkigu si looga maarmo qoryaha u dhigma ee dibedda laga keeno sida ay qorayso Anadolu Agency (AA).

Qorigan ayaa waxaa adeegsan kara ciidanka lugta waxaana sidoo kale lagu xiri karaa gaadiidka cir, dhul iyo bad, iyadoo uu qorigani leeyahay qaab si sahlan markiiba loo bedeli karo dhuuntiisa haddii uu lacalla kululaado, taasoo siinaysa fursad uu uga qayb galo dagaal dheer.

Shirkadda Sarsılmaz ee qorigan sameeysay ayaa ah mid caalamka laga aqoonsaday hubka ay samayso, tusaale ahaan bastooladda SAR9 ayaa bishan Febraayo ku guulaysatey abaalmarin caalami ah, waxayna ahayd tii 2-aad waayo bishii Jannaayo waxaa sidoo kale abaalmarinta heshay SAR9X Platinum, waxaana abaalmarintaa siiyey Majalad Maraykan ah oo hubka falanqaysa.

Hadalsame Media