SAWIRRO: Bastoolad ay Turkigu sameeyaan oo Maraykanka laga caashaqay & abaalmarin ay hanatay (Dal Yurub ah oo ay…)

0

(Washington, DC) 20 Jan 2021 – Nooc ka mid bastooladaha Turkey sameega ah ee SAR9 pistol, oo la yiraahdo SAR9X Platinum, ayaa noqotay bastooladdii sanadka 2020 sida ay qabto majaladda agabka dagaalka ka faalloota ee Target.

Bastooladdan ayaa waxaa samaysay Sarsılmaz iyadoo qayb ka ah mashaariic ay waddo Daladda Agabka Difaaca ee SSB, waxaana bastooladda SAR9X Platinum oo uu maraareheedu dhan yahay 9 mm adeegsada Ciidanka Millateriga iyo Booliiska Turkiga, iyadoo loo dhoofiyo dalal uu Maraykanku ka mid yahay, taasoo ay qandaraas ku haysato SAR USA.

SAR9 ayaa ka qayb gashay carwada toogta ee 2018 Shot Show oo lagu qabtay Maraykanka iyadoo ay suulka u taageen khubarada aqoonta u leh hubka, waxaana bastooladdan oo lagu xiri karo agabyo kale oo dheeraad ah sida aamusiye, doorbin, toosh iwm dhanka muuqa iyo xajmiga lagu mitaalo midda Austrian-ka ah ee Glock taasoo ay laakiin ka naqshad qurxoon tahay.

Warqaadka Target ayaa sheegay in sababta uu bastooladdan ugu doortay midda sanadka 2020 ay tahay iyadoo si dhib yar loo xakamayn karo, toogteedu saxan tahay, la isku hallayn karo, cillad aan laga sheegin, qalab dheeraad ah lagu xiri karo, isla markaana qiimeheedu jaban yahay.

Hadalsame Media