Halis kusoo socota dalal ay Somalia ku jirto oo laga sii digayo + Sawirro

0

(Hadalsame) 28 Feb 2021 – Dadka yaqaanna arrimaha bay’ada ayaa ku dooda inay dunidu kululaanayso waxaana marar badan lasoo weriyaa inuu dhalaalayo barafka waran qaaradda qabow ee cirif-barafeedka woqooyi iyo midka koofure.

National Geographic ayaa dhowaantan soo saaray khariidad muujinaysa sida ay dunidu noqonayso haddii uu dhalaalo dhamaanba barafka caalamku, waxaana ka muuqata in dalal badani ay qayb ahaan biyaha ka hoos mari doonaan halka jasiiradaha gebi ahaanba la waayayo marka ay baddu sare kacdo ilaa 216 cagood, biyaha macaan ee kusoo maaxi doona dartood.

Waxaa dalalkaa ka mid ah Somalia oo la waayi doono qaybo ka tirsan qaybta xeebta saaran ee Gobolka Jubbada Hoose, Maraykanka isaga waxaaba la waayi doonaa gobolka Florida oo dhan.

Yeelkeede, taasi weli ma dhowa, sida uu saadinayo hilinka National Geographic: “Waxaa jira ilaa 5 milyan oo mayl oo 3 jibbaaran oo baraf ah lama se oga mudada ay ku qaadan karto inuu barafkaasi wada dhalaalo, laga yaabee 5,000 oo sanadood.”

Haddii uu barafka dunidu dhalaalo waxaa sare kici doona heerkulka celceliska ah ee caalamka oo haatan ah 58 digrii Fahrenheit balse gaari doona 80 digrii Fahrenheit, waxayna noqon kari doontaa markii ugu horreeysey ee ay dunidu bilaa baraf noqoto muddo 30 milyan oo sanadood ah.

Hadalsame Media