Imaaraadka oo guuldarro kale kasoo gaartey qorshe uu ka damacsanaa Geeska Afrika

0

(Casab) 28 Feb 2021 – Muuqaallo dhanka dayax-gacmeedka lagu qaaday oo ay falanqaysay Wakaaladda Associated Press, ayaa muujinaya Ciidan Imaaraadka oo ka baxaya saldhigyo ay ku lahaayeen dalka Eritrea, kaddib guuldarradii ka gaartey dagaalka Yaman.

Imaaraadka ayaa saldhigyadan ka sameeyey Casab Sebt. 2015, si uu ugu adeegsado meel uu Yaman kaga daabulo hubka culus iyo ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah oo Sudanese ah oo Yaman ka dagaallamayey.

Yeelkeede, Imaaraadka oo uu mar “Little Sparta” oo ahayd mid ka mid gobolladii dagaalka badnaa ee Giriigga ka jirey cahdiyadii dhexe, ku naanaysay Wasiirkii Gaashaandhigga Maraykanka, Jim Mattis, ayaa haatan u muuqday inuu soo taabta xeerada salkeeda isagoo guuldarro kala kulmay dagaallo uu ka wadey Yaman, Libya iyo xitaa ilaa xad Somalia.

“Imaaraadku waxay dib u eegis ku samaynayaan damacooda istaraatijiga ah waxayna ka baxayaan meelaha ay haatan joogaan.” ayuu yiri Ryan Bohl, oo ah falanqeeye ka tirsan shirkad sirdoon oo gaar loo leeyahay oo Texas ku sugan, isagoo sheegay in dagaallada ay galeen ay Imaaraadka u bandhigeen haliso ka badan kuwa ay xamili karaan.

Imaaraadka ayaa la fahamsan yahay inuu ka cabsanayo cadaadis uga yimaada maamulka cusub ee Maraykanka oo durba weerar siyaasadeed ku qaaday Sucuudiga, si ka duwan midkii Trump. Waxaa xitaa dhacday in Imaaraadka ay su’aalo u dirto Safaaradda Maraykanka ee Casab iyadoo waydiinaysa ujeedka ay ka leeyihiin saldhigyadan ay 30-ka sano ka kiraysteen Eritrea.

Casab oo 70 km (40 mayl) Yaman u jirta ayaa dayactir aan ridnayn ka heshay Imaaraadka, iyagoo sidoo kale woxoogaa hagaajiyey garoonka buska badan ee halkaa ku yaalla oo leh dhabbe jiidan 3,500-mitir (11,500-cagood) si ay hubka culus uga soo dejistaan.

Imaaraadka ayaa horay u joojiyey qorshe uu saldhig ciidan uga samaysan lahaa woqooyiga Somalia kaddib markii ay cadaadis saartay DF Somalia, wuxuusan sidoo kale weli ka bixin waxna ka qaban Dekedda Boosaaso oo ah hanti qaran oo uu madax halkaa joogta kula heshiiyey inay ballaarinayaan.

Hadalsame Media