QAYBI OO XUKUN: Federaalka qabyaaladeysan ee Somalia (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 17 Jan 2021 – Nidaamkani waxa uu u kala qaybsamaa dhowr nooc, waxayna kala yihiin:

  1. i)‘Federaal’ tartan(Competitive ‘federalism’): Dowladda ‘federaalka’ waxaa ay leedahay awood aad u xaddidan, mana fara-gashan karto maamul-goboleedyada maamul ahaan iyo awood ahaan toona. Noocaan waxaa isticmaala dalalka: Ingiriiska (UK), Biljim, Ustareeliya, Baakistaan, Baraasiil iyo Iswiisarlaan.
  2. ii)‘Federaal’ iskaashi (Cooperative ‘ federalism’):Nidaamkani, dowladda ‘federaalka’ iyo maamul-goboleedyada ayaa waxay u sahqeynayaa si wadajir ah si ay u xalliyaan dhibaatooyinka ay wadaagaan.  Noocaan waxaa isticmaala dalalka Jarmalka, Koofur Afrika, Imaaraadka Carabta, Maraykanka, Fenesuweela iyo Yuguslaafiya. Akhri qaybtii 1-aad…

iii)   ‘Federaal’ khasab ah (Coercive ‘federalism’): Dowladda ‘federaalka’ waxay, nidaamkani, qaabeysa siyaasadaha dowladda dhexe iyo midda maamul-goboleedyada labadaba, waxana ay hubinaysaa in maamul-goboleedyadu raacaan tilmaamaha dowladda dhexe. Noocaan waxa isticmaala dalalka Nayjeeriya iyo Itoobiya oo ku haya dalalkooda awood militeri.

Nidaamka ‘federaalku’ waxyaabaha uu la gaarka yahay waxaa ka mid ah in ay dadweynuhu kala isir duwan yihiin; in ay kala luqad yihiin; in ay kala diin yihiin; in ay kala qowmiyad iyo deegaan duwan yihiin, sida Keenya iyo Itoobiya oo kale; in ay yihiin dad aad u fara badan sida Mareykanka oo kale; iyo in ay yihiin dowlado isu-tegey sida Midowgii Soofiyeetka iyo Iswiisarlaan.

Marka la fiiriyo sida uu u samayasmo nidaamkani iyo ujeeddooyinkiisa waxaa kuu soo baxaysa laba qaab oo kala ah: Isu-tag ka dhex-dhaca dowlado kala madax-bannaan, kuwaasoo ka tanaasulaya madax-bannaanidoodii dibadda.

Ujeedka ugu weyn ee ey u sameysmaan dowladaha ‘federaalka’ noocaan ahi waa mideynta cududdooda siyaasadeed iyo dhaqaale si ay isaga kaashadaan cadowga dibadda ee halista ku wada ah; waxana dowladahaas ka mid ah Mareykanka (1787), midowgii Iswiisarlaan (1874), Jamhuuriyaddii Jarmalka (1949), iyo weliba Imaaraadka Carabta. Inta badan, nidaamka noocaan ku abuurma waa uu hirgalay waayo wxa ay xoogga saaraan midnimo iyo wada-jir waana ay ku guuleystaan dhinac kasta sida siyaasadda, dhaqaalha iyo mileterigaba.

Hannaanka kale waa Kala-bax waana dowlad weyn oo tabar-darraysay, iyada oo uu dalku u kala firdhanayo gobol-gobol mid kastana uu doonayo madax-bannaani u goonni ah oo ka baxsan dowladda dhexe ee weyn. Ka dibna aysan awoodi karin aqoonsi caalami ah sidaas darteedna lagu heshiiyo samaynta nidaam ‘federaal’ daciif ah kaasoo siinaya awoodo dheeraad ah dowladaha yar yare ee ay mid kastaa dooneyso in ay danteeda gaar u raacato iyadoo aan u aaba-yeeleyn dolwadaha kale ee yar yar iyo xukuummadda dhexe toona.

Ujeedka ugu weyn ee nidaamkani waa in ay dowladaha yar yari helaan awood dheeraad ah  si ay mid kasta u gaarto danteeda u gaarka ah iyadoo aan u aaba-yeeleyn dowladaha kale ee yar yar iyo tan ‘federaalka’ ah toona; waxaana dowladahaas ka mid ah: Meksiko (1857), Arjantiin (1860), Baraasiil (1891), iyo Kasejoslofaakiya (1969) oo iyadu ugu dambeyntii kala googo’day.

Nidaamka ‘federaal’ ee noocaan ku abuurma waxa uu badanaa dilaa oo wiiqaa awooddii dowladahaas, ugu dambeyna waa ay kala tagaan sida laga arki karo dowladaha aan kor ku soo sheegay; waan sida laga rabo Soomaaliya oo ay haddaba ku socoto haddaan Rabbi SWT sida u dhaamin oo aanay dadka Soomaaliyeed isku-tashan xilli hore.

La soco qayb 3-aad…

Waxaa Qoray: Mohamed Ismail Abdullahi (Mohamed Midnimo)

E-mail: Midnimo1985@gmail.com

AFEEF: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media