Shirkad Kenyan ah oo ay fadeexad culusi ku qabsatay dalka Rwanda + Sawirro

0

(Kigali) 16 Jan 2021 – Sharikad Kenyan ah ayaa dhexda ka taagan fadeexad ka dhalatay abuur aan sax ahayn oo la siiyey beeraleey reer Rwanda ah, taasoo keentay ashtako ka timi beeralayda oo ay beerihii ka xumaadeen.

Dad beeraleey ah oo hoos taga Degmada Bugesera ayaa rajeeynayey inay fasalkan qare ka naaxaan, balse beerihii ayaa ka xumaadan, waxaana dadkaa ka mid ah Safari Kanzeguhera oo sheegay inuu beertiisa geliyey kharash dhan Rwf1.7 milyan oo Franka Rwanda ah (Ksh188K) oo iskugu jira abuur, waraab, bacrimin iyo falitaan, isagoo rajaynayey faa’iido saafi ah oo dhan Rwf2 milyan (Ksh222K) 3 bilood kaddib, sida uu ka xigtey The New Times.

Nin khabiir ku ah abuurka oo la hadlay Kenyans.co.ke, ayaa sheegay in abuurka ay dadkan ka iibisey sharikad Kenyan ihi uu noqon karo mid u baahan cimilo qoyan sida Meru oo Kenya ah balse aan ku fiicnayn hawada qallalan, iyadoo ay beeralaydu haatan dalbanayaan in magdhow laga siiyo fasalkii ka xumaaday, si ay awood ugu yeeshaan in ay maalgashadaan fasalka cusub.

Yeelkeede, shirkadda abuurka iibisey oo aan la magacaabin ayaa looga fadhiyaa inay arrintan tillaabo ka qaaddo, iyadoo la sheegay inay xaaladda ”qiimaynayso.”

Hadalsame Media