Trump oo isaga oo sii dhacaya weli musaafurinaya dad Soomaali ah (Qaar la tarxiili rabo Talaadada oo uu xilka ka degayo)

0

(Nairobi) 17 Jan 2021 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa maamulkiisa sii dhacayaa wuxuu dardar ku wadaa tarxiilka dadka Afrikaanka ah ee dalkaa magangelyada waydiistey xilli ay 3 maalmood ka hareen goorta uu xilka la wareegayo Joe Biden.

Biden ayaa horay u ballan qaaday inuu muddo 100-maalmood ah ku hakinayo musaafurinta dadka dalkaa iska dhiibey, kaddib markii ay kooxaha xuquuquhu ay Maraykanka ku dhaliileen in dadkan la mariyey hannaan cadaaladeed oo aan hufnayn iyo inaan xisaabta lagu darin faafaha Covid-19. Tusaale, xabsiga dadkan lagu hayey ee ku yaalla Alexandria, Louisiana, ayaa laga helay 22 kiis oo karoone ah.

Hay’adda Socdaalka iyo Kastamada Maraykanka ee ICE ayaa haatan qirtay in ay duullimaad sida dad la tarxiilay ay Khamiistii ka direen Gobolka Louisiana kaasoo ku wajahan Nairobi.

Dayuuraddan oo ingayr ah ayaa siddey dad ka koobnaa Soomaali, Itoobiyaan iyo Keenyaati waxayna ku hakatay oo shidaal ka qaadatay magaalada Sofia ee caasimadda Bulgaria, kahor intii aanay u weecanin Nairobi oo dadka laga kala saaray dayuurado kale.

Waxaa haatan jira walaac ah inay sii socon doonaan duullimaadyadani xitaa ilaa Talaadada oo ah maalinta uu xilka la wareegayo Biden, iyadoo Trump oo cunsuriyad lagu eedeeyaa uu doonayo inuu dalkiisa ka saaro Afrikaanka magangelyo doonka ah intii suuragal ah.

Bilihii ugu dambeeyey ee sanadkii tegey ee 2020 ayaa waxaa aad u kacay dadka laga celinayo dalkaasi, iyadoo dadka la tarxiilay qaarkood lagu celiyey meelo ay horay uga soo carareen oo ay dagaallo ka socdaan.

Kenya ayaa sida muuqata arrintan kala shaqaynaysa Maraykanka, iyadoo dalalka Afrikaanka ihi ay inta badan diidaan in lagu soo celiyo dad iska dhiibey dalal kale, haddii aanu qofku dembiile ahayn.

Hadalsame Media