QAYBI OO XUKUN: Federaalka qabyaaladeysan ee Somalia (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 16 Jan 2021 – Hordhac – Ka dib burburkii dowladdii Soomaaliya 1991kii, siyaasadda dalku waxaa ay noqotay mid aad u cakiran oo cid kasta oo gobolka iyo aduunka aan ku noolnahay ee dan ka lehba ay u fududaatay in ay dhankeeda ka walaaqato; faro-gelin toos ah iyo mid dadbanba, gaar ahaan quwadaha shisheeye ee Bariga iyo Reer Galbeedka iyagoo kala adeegsanaya gacmaha dowladaha dhaca mandiqadda Geeska Afrika iyo Khaliijka iyo weliba hogaamiyayaasha qabaa’ilka iyo kooxaha calooshood-u-shaqeystayaasha.

Iyaga oo adeegsanaya Soomaalida noocaas ah ayay waxay suuq-geeyeen oo la buun-buuniyay arrimo fara badan sida: waxaa lumaya is-aaminaaddii Soomaalida, ma heshiin kartaan, waad kala-duwan tihiin, wax iskuma darsan kartaan, iwm; ujeedkooduna uu yahay in shacbiga Soomaaliyeed lagu sii kala fogeeyo, laguna kala-dilo si ay ugu suurta-galaan danahooda khaaska, si gaar ah kala-qeybinta dalka iyo dadka.

Arrintaasi waxaa ay sababtay in ay, ku dhowaad rubuc Qarni, Soomaaliya heli weydo xasillooni siyaasadeed iyo mid dhaqan-dhaqaale. Waxaa la adeegsaday nooc kasta oo lagu siyaadin karo is-nacaybka iyo qabyaaladda ummadda Soomaaliyeed la kala dhex-dhigay. Waxaa la soo bandhigay hannanaka qabiil-wax-ku-qaybsiga ee 4.5. Si kastabase, Eebbe weyne mahaddii iyo ummadda Soomaaliyeed oo ah dad is-jecel, waa la kala tegi waayay; haba lakala sad-bursado e. Taas markii ay socon weyday ayaa haddana waxaa markii dambe la soo bandhigay nidaamka ‘federaalka’ si ay halkeedii uga sii socoto kala qoqobka iyo kala irdheynta ummadda.

Haddaba, waxaan maqaalkaan kaga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Nidaamka ‘federaalka’ iyo noocyadiisa ugu caansan; waxyaabaha uu la gaar yahay nidaamka ‘federaalka;’sida uu ku yimaaddo nidaamka ‘federaalka’ iyo ujeeddooyinka loo adeegsado; sida uu nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysani ku yimid Soomaaliya, cidda ka dambeysa iyo ujeeddada laga lahaa; halista nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysan uu ku yahay dalka iyo dadka; iyo weliba nidaamka siyaasadeed ee ku haboon in ay Soomaaliya qaadato si xal waara loo gaaro.

‘Federaalka’ iyo noocyadiisa: Qeexid

Ereyga ‘federaal’ waa nidaam madax-bannaanida loo qeybinayo ugu yaraan laba dowladood- dowladda dhexe iyo dowlad-goboleed, kuwaas oo fuliya awoodo dastuuri ah oo madax bannaan kuna dhaqa qeyb ka mid ah dad ku nool dhul gaar ah.

Nidaamka ‘federaalku’ waa nooc ama qaab gaar ah oo ka mid ah nidaamka xukun-baahinta ee loo yaqaanno dhex-furnaanta ama decentralization. Waxyaabaha uu nidaamkani la gaar yahay waxaa ka mid ah kala-duwanaashiyaha sida: Isirka, luqadda, diinta, dhaqanka iwm kuwaasoo khasbaya in ay dadka noocaas ahi samaystaan oo raacaan nidaamka ‘federaalka’ si ay ugu kala bad-baadaan.

La soco qayb kale…

Waxaa Qoray: Mohamed Ismail Abdullahi (Mohamed Midnimo)

E-mail: Midnimo1985@gmail.com

AFEEF: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media