Sharci diidaya in guur lagu Muslimiyo gabdhaha Hinduuga ah oo la hirgelinayo (Wiil la xirey isagoo gabar la socda)

0

(Madhya Pradesh) 27 Dis 2020 – Golaha Wasiirrada Maamul-goboleedka Madhya Pradesh ee dalka Hindiya ayaa shalay meel mariyey xeer cusub oo diidaya in haweenka Hinduuga ihi ay qaataan diinta Islaamka.

Xeerkan oo la sheegay in lagu xakamaynayo wax lagu sheegay “Jihaadkii Jacaylka” – oo ah tibix ay dacaayad ahaan u adeegsadaan kooxaha xag-jirka ah ee midigta fog ee Hinduuga oo sheega in ragga Muslimka ihi ay jacayl u adeegsadaan inay Muslimiyaan haweenkooda – ayaa todobaadka soo aaddan la hor gayn doonaa Baarlaman-goboleedka Madhya Pradesh.

“Waxaa sharcigan ku jira xarig ilaa 10 sanadood ah iyo ganaax 100,000 Indian oo rubbi ah ($1,358).” ayuu yiri Narottam Mishra, oo ah Wasiir Gudeedka gobolkaasi.

Wuxuu sheegay in qofka doonaya inuu diinta bedesho ay tahay inuu maamulka soo wargeliyo muddo 2 bilood kahor ah, haddii kale aanu guurku ansixi doonin.

Tillaabada dowladda Madhya Pradesh ayaa imanaysa kaddib mid sidan oo kale ah oo ay bishii hore qaadday midda Gobolka Uttar Pradesh, balse xeerkan ayaan waafaqsanayn midka Federaalka ah ee Hindiya oo fasaxaya madax bannaanida qofka ee dhanka diimaha oo dalkaa aad ugu fara badan.

Arrintan ayaa kicisay weerarro iyo xiritaanno ka dhan ah Muslimiinta, iyadoo Jimcihii Uttar Pradesh lagu xirey wiil dhallinyaro ah oo Muslim ah oo lagu eedeeyey inuu jebiyey xeerkan kaddib markii la arkay isagoo la socda gabar Hinduu ah Degmada Bijnor.

Hadalsame Media