Turkish Airlines oo dalab cusub la timid & goorta uu hirgelayo (Akhri haddii aad ku duuli rabto maalmaha soo aaddan)

0

(Istanbul) 27 Dis 2020 – Turkish Airlines ayaa bilaabaysa in rakaabyada ku duulaya ay maraan tijaabada PCR taasoo iminka ka bilaabmaysa 30-ka si ka duwan sidii uu awal qorshuhu ahaa 28-ka bishan Diseembar.

Rakaabkii aan haysanin wax caddaynaya natiijo taban oo PCR ah, ma raaci doono dayuuradda Turkish Airlines, iyadoo ay inay is baaraan waajib ku tahay wixii ka wayn 6 sanadood.

Go’aankan ayaa shaqayn doona ilaa 1-da Maarso sanadka xiga ee 2021-ka.

Haddaba, rakaabka Soomaaliyeed ee ku safra dayuuraddan oo ah dookha 1-aad ee dayuuradaha caalamiga ah ee Somalia ku xira dunida inteeda kale, ayay waajib ku tahay inay sameeyaan baaris PCR ah oo lagu ogaanayo inuu qofku qabo cudurka Coronavirus ugu badnaan 72 saacadood duullimaadka kahor wixii loo gaaro 30-ka bishan.

Hadalsame Media

Facebook Comments