”Waa inaad marka hore fasax qaadataan” – Muslimiinta doonaysa inay guursadaan gabdho Hinduu ah oo sharci cusub lagu soo rogey (Lamaane dhib la kulmay)

0

(Uttar Pradesh) 18 Dis 2020 – Haidar Mansuri, 34, iyo Shabila Chand, 28, waa lamaane Muslim iyo Hindu kala ah oo doonayey inay isku guursadaan gobolka woqooyi ee Uttar Pradesh kaddib sanad ay isku cindanaayeen.

Shabila ayaa kasoo tagtay gurigeeda oo ku yaalla Azamgarh si ay u guursato Haidar oo ku nool Kushinagar.

Yeelkeede, xilli ay u holladeen inay guurkooda dhaqan geliyaan 8-dii Diseembar, qof baa hoos uga yeerey booliiska iyo kooxda xag-jirka ah ee Hinduuga ee Bajrang Dal iyo Hindu Vahini, kuwaasoo goobta soo gaarey, iyagoo Haidar ku eedaynaya inuu wado ”jacayl jihaad ah” oo ah tibix ay adeegsadaan kooxaha midigta fog ee Hinduuga oo sheegaya in haweenkooda loo guursanayo si khasab loogu Muslimiyo.

Booliiska ayaa deeto xabsiga dhigay lamaanaha oo halkii ay guri cusub ku hoyan lahaayeen habeenkaa xabsiga seexday, iyagoo sheegay inay baarayeen in la jebiyey Xeerka  cusub ee Anti-Conversion Law, kaasoo ay laba bilood kahor uu ansixiyey gobolkan Hindiya ugu ballaaran ee Uttar Pradesh, oo cadaadis adag kala kulmaya Hinduuga xag-jirka ah oo ku dooday in dumarkooda lagu wadanayo wax ay ku sheegeen “love jihad.”

Xeerkan cusubi wuxuu lamaanaha aan isku diinta ahayn ee is guursanaya ka doonayaa inay maxkamadda gobolka guurkooda ku wargeliyaan 2 bilood guurkooda kahor, wuxuuna diidayaa in khasab lagu geliyo diinta kale, isagoo dhigaya xarig 10 sanadood ah qofkii jebiya xeerkan.

Muslimiinta ayaa ku doodaya in xeerkan iyaga lagu bartilmaameedsanayo, iyadoo lagu tumanayo xuquuqohooda madaniga ah sida ay sheegeen, balse xisbiga xag-jirka ah ee BJP ayaa shuruuc noocan oo kale ah ka diyaarinaya gobollada Hindiya ee ay xukumaan.

Hadalsame Media